” Taladii Baan Madaxweynaha Oo Kaliya Ku Koobnayn Oo Badatay..”Wasiirkii Warshadaha Somaliland oo Iscasilay + Daawo Muuqaal.

0
776

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. waa wasiirkii 2-aad ee muddo 48 saacdood ku siman iska casila Xukumadda Siilaanyo, waxaa sidoo kale shalay iscasilay la taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha Beelaha la hayb sooco.

Abiib Diiriye Nuur oo la hadlay BBC-da ayaa sababeeyay iscasilaadiisa “Sababuhu way badan yihiin, Sida aan maqlayna Maahmaah Carbeed baa tidhaahda haddii Kuugtu badato Maraqaa xumaanaya, markaas meesha Kuugtii baa ku batay, waana ta keentay in Nin waliba halkiisa dhabana ku haysto sida wax loo wado iyo waxyaabaha jira iyo sida wax u socdaan”

Abiib Diiriye Nuur, waxa uu iftiimiyay inaan Madaxweynaha taladu gacanta ugu jirin “Taladii baa badatay, oo waxaad moodaa in taladii aad iyo aad u faro badatay oo aanay Madaxweynaha ama qof kaliya ku koobnayn ee taladii batay”

 

Mudane Abiib Waxa uu sheegay inuu ka sii mid ahaanayo Xisbiga Kulmiye balse uu iska casilay Xukumadda, waxaanu intaasi raaciyay “Kolay anniga iyo Cabdicasiis Samaale waxaanu nahay laba qof oo kala duwan laakiin, way jirtay inaanu hore wax u wada aaminsanayn, imikana sidii bay tahay…..Xisbiga waan joogayaa waanan ku jirayaa”

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Wasiirkii Maaliyaddu iska Casilay xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ee ahaa Wasaaradda waxbarashada kadib markii uu ku qanci waayay xilka loo dhiibay. lataliyihii Arrimaha Beelaha la hayb sooco ayaa isna ku macneeyay iscasilaadiisa Bulshadiisa oo aan mansabyo ka hayn xukumadda isku shaandhayntii u dambeysayna iska dhex wayday.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here