Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaalka Wayn Ee Magaalada Hargeysa

0
805

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirkii Hore Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Xaalad Caafimaad loo dhigay Cisbataalka Wayn ee Hargeisa.

 

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyne ee Somaliland  ayaa xaalad caafimaad daro soowajahday iyada oo la dhigay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysaayey wararku sheegayaa inay xaaladiisa caafimaad haatan wanaagsan tahay, taas oo uu ka soo kabanayo xanuunkii loo dhigay cusbitaalka.

 

Wasiirkii Hore Maaliyadda Somaliland Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo hadda ka tirsana  Madasha Wada-tashiga  ayaa marar badan si kulul u dhaliilay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE.

 

Eng Maxamed Xaashi waxa uu ku naqdiyey xukuumadda Kulmiye in nidaamka ay dalka u maamulaysaa uu yahay mid uu ku burburi karo, kaas oo ku dhaliilay sharci jabin badan oo ay ku talaabsato markasta.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here