Dr. Gaboose Oo Ku Dhawaaqay Urur Siyaasadeed Cusub

0
585

Hargaysa (HP): Siyaasiga caanka ah ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta magaaladda Hargaysa kaga dhawaaqay in uu furanayo urrur siyaasadeed cusub.
Inkastoo uu Dr. Gaboose, 4-tii bishii April ee sanadkii 2021-kii shaaciyay inuu ka fadhiistay siyaasada.
Hadana, shir saxaafadeed uu maanta ku qabtay magaaladda Hargaysa wuxuu ku sheegay inuu dhawaan furayo urur siyaasadeed magaciisu yahay BARWAAQO.
Dr. Gaboose, ayaa sheegay in duruufo jira awgeed uu siyaasada dib ugu soo laabtay, isla markaana uu wacyiga bulshadu is bedalay.
Sidaas darteedna isagoo tixgalinaya rabitaanka shacbiga iyo wacyiga isbedelay in ay isaga dareen gaar ah u hayaan.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa kaloo uu shregay in isaga iyo rag kale oo aqoonyahano ahi ay ku midoobeen urrur la magac baxay Barwaaqo, isla markaana ay dhawaan si rasmi ah u daah furi doonaan.

Geesta kale Dr. Gaboose, kuma cusba siyaasadda Somaliland iyo xiligii dawladii kacaanka ee Soomaaliya.
Waxaanu mar guddoomiye iyo aasaaseba u ahaa urrurkii Qaran la odhan jiray xilligii xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin.
Sidoo kale sannadkii 2012 ayuu furtay urrur siyaasadeed lagu magacaabi jiray Umadda, kaasoo ka qayb galay doorashadii tartanka urrurada ee xiligaas.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Dr. Gaboose:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY