Dr. Gaboose: Awood Uma Lihin Inaynu Badbaadino Qofka Uu Ku Dhaco Coronavirus

0
1955

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta waa weyn ee Somaliland ahna Maamulaha Cisbitaalka Haldoor ee magaalada Hargeisa, ayaa ka hadlay halista wayn ee ku xeeran Cudurka Coronavirus, Wuxuuna xusay  in Dawladihii Waawaynaa ay waxba ka Qaban Karin waayeen, Wuxuuna iswaydiiyey saamaynta uu ku yeelan karo dad aan Awood u lahayn inay xitaa la tacaalaan.

“Maanta ma Lihin Awood aynu Ku Badbaadino Qofku Ku dhaco Cudurka Coronavirus, Waa inaynu Xidhano Daqaadaha iyo Albaabada, Muddo kooban ayuu Jirayaa waa in masuuliyad wayn la  iska saaro”. ayuu yidhi Dr Gaboose.

Dhinaca kale, Dr. Gaboose wuxuu fariin u diray Ganacsatada wuxuuna ugu baaqay inaanay ka faa’iidaysan xiligan adag ee lagu jiro.

Dr. Gaboose ayaa kamid ah Dadka aqoonta durusgan u leh Caafimaadka, Wuxuuna mar soo noqday Dhakhtarka gaarka ah ee Madaxwaynihii hore Soomaaliya  Maxamed Siyaad Barre.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here