Dr. Gabboose Oo Ka Digay Muddaharaadyo Aan Sharciga Loo Marin

0
457

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta mudaharaadyo shacabka lagu abaabulo.
Dr. Gabboose, waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu goor dhawayd baahiyay, kaasoo uu ku sharaxay dhibaatadda ka dhalan karta mudaharaadyo rebshado wata oo dalka ka dhaca xiligan.
“Waxa aan shacbi waynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanayaa, waxa aan hooyooyinka ubadka dhalay ka codsanayaa, waxa aan waalidiinta barbaariyey carruurtooda ee uu dedaalka badan kaga baxay barbaarintooda iyo waxbarashadooda in ayna halaagin ubadkooda, in qoys walba ubadkiisa u sheego in berrito dhibaatada ku dhacda su’aalo badan ay ka imanayaan oo yaa ka masuul ah inanka dhaawacma inanta dhimata kuwa laysla jiidhay yaa ka masuul ah?
Sidaa awgeed, shacbiga JSL waxa aan ka codsanayaa in muddaharaadku wadiiqada uu leeyahay ay tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas haddii laga leexdo shacbigu haku talogalaan in uu noqdo muddaharaad ay ka dhashaan fawdo iyo dhibaatooyin kale.”

Dr.Mohammed Abdi Gabboose
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka
BARWAAQO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here