“Rasaas nool ayaa lagu riday ciidanka…” Jeneraal Dabagale

0
607

Hargaysa (HP): Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa uga digay xisbiyada mucaaradka qabashada muddaharaadyo ay taageerayaashooda ugu baaqeen Sabtida.
Isagoo ku hanjabay in aanay ciidankiisu oggolaan doonin bannaanbaxyo sharci-darro ah oo dalka laga qabto.
Jeneraal Dabagale oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa galabta, waxa kaloo uu ku eedeeyey madaxda mucaaradka iyo taageerayaasha inay rasaas nool ku rideen ciidammada booliska ee ka hortegay muddaharaadkii ay ka dhigeen qaybo ka mid ah caasimadda Hargeysa gelinkii hore ee maanta.
Waxa uu intaas ku daray in aan waddanka laga qaban karin muddaharaadyo oo waafaqsanayn xeerarka dalka yaal, sidaa darteedna aannu ciidanka boolisku oggolaan doonin qabashada muddaharaad sharci-darro ah, cid kasta oo sharciga baalmartana tallaabo adag laga qaadi doono.
Taliyuhu waxa uu sheegay in shacabka Somaliland aanay mudaharaadka aqoon, isaga oo carrabka ku dhuftay in rasaas nool lagala horyimi ciidanka booliska ee ku sugnaa goobta muddaharaadku ka dhacay saaka.
Ciidanka booliska ayaa subaxnimadii hore ee maanta joojiyay muddaharaad kooban oo ay soo qabanqaabiyeen axsaabta mucaaradka Somaliland, kadib markii ay isku dhaceen ciidammada iyo muddaharaadyaasha, waxana isku dhacaas ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo isugu jira saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI, halka tiro intaas ka badanna jeelka la dhigay.
Dhinaca kale, ciidammada ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay caawa Axmed Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) oo ka mid ah guddoomiye-ku-xigeennada xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY