Dowladda Taiwan oo Shaacisay Inay Somaliland Ka Saacideyso Ilaalada Xeebaha

0
2955

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Taiwan, ayaa sheegtay in ka taageerayso Xukuumadda Somaliland qorshaha ilaalinta Xeebaha Somalilnd.

Qoraal dawladda Taiwan ay shalay ku baahisay Twitterka ayaa waxay ku caddaysay inay Somaliland ka saacidayso ilaalinta ammaanka Xeebaha Somaliland.

Dawladda Taiwan, waxa ay sidaasi ku shaacisay xaflad Salaasadii Toddobaadkan lagu soo bandhigayey markab noociisu ku cusub yahay dalkaas oo ah kuwa dagaalka ee xambaara miinooyinka oo qaybo badan oo ka mid ah la dhammaystiray isla markaana lagu wado inuu dhammaystirmo dabayaaqada sannadkan 2020ka.

Markabkan oo dhererkiisu yahay 41 mitir, waxa uu qaadi doonaa saanad dhan 347 tan. Waxana Wasaaradda Gaashaandhiga Taiwan xustay in loogu talo galay inuu ka hor tago wixii khatar ku ah dalkooda oo lagu qalabeeyey qumbulado loogu talogalay.

Istaageersigan ayaa ka dhashay iskaashiga iyo wax wada qabsiga ay yeesheen Somaliland iyo Taiwan, iyadoo labada dal ay isdhaafsadeen laba Safaaradood isla markaana ay iska kaashan doonaan mashaariic la xidhiidha Ganacsiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here