Dowladda Jabuuti oo Kordhisay Xayiraadii Bandowga

0
1476

Djibouti (Hargeisa Press)- Ra”iisal wasaaraha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamad ayaa sheegay in muuddo Toddobaad ah lagu daray muddada xayiraadda dalka jabuuti.

”Kaddib markii aan aragnay in shuruudaha ka bixitaanka xaaladda xayiraadda aan si buuxda loogu guuleysan xukuumaddu waxay go’aansatay in lasii joogteeyo go’aankii guryo joogista ilaa 17-ka bishan May.” ”Amnigiina iyo bedqabka bulshadu waa mudnaanta koobad”, ayuu yidhi Ra”iisal wasaare Cabdulqaadir.

Ra”iisal wasaare Cabdulqaadir Kaamil ayaa carrabka ku adkeeyay in dadku ay guryahooda ku nagaadaan oo ay kala fogaanshaha ilaaliyaan.

Go’ankan ayaa waxa u imanaya xilli ay hore xukuumadda Jabuuti u shaacisay inay malinta Axadda ah qaadayso xayiradda saaran dalka kaddib marki ay hoos u dhaceen kiisaska cudurka Covid-19 ee dalkaasi.

Shalay ayaa waxaa dalka Jabuuti laga xaqijiyay 54 kiis oo cusub halka maantana 21 kiis oo hor leh la shaaciyay taasi oo tirada guud ka dhigeysa 1210 qof. Waxayna u muuqataa in kororkaasi uu sababay muddo kordhinta xayiraadda.

Dadka u geeriyooday xanuunka Covid-19 ayaa aad u yar dalkaasi Jabuuti marka loo barbardhigo dalka dariska la ah sida Somaliland.

Balse Jabuuti ayaa ah waddanka uu saameynta ugu weyn ku yeeshay Covid-19 marka loo eego dhammaan dalalka kale ee gobolka Bariga Afrika.

Waxay tiro aad u badan ka sarreysaa waddamada dariska la ah ee Somaliland, Eritrea iyo Ethiopia. Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka Jabuuti gacanta ka siinaya sidii ay ula tacaali lahayd xanuunka Covid-19 ee sida weyn ugu faafay.

Koox ka kooban 12 khabiir oo caafimaad oo ka socda Shiinaha ayaa hore u gaadhay magaalada Jabuuti kuwaasi oo la shaqeeynaya dhakhaatiirta reer Jabuuti ee safka hore uga jira la dagaallanka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here