Doorka Ay Kala Leeyihiin Dawlada Hoose, Ta Gobolka iyo Dawlada Dhexe

0
1799

Maalmahan waxa aan ogaaday doorka ay kala leeyihiin dawlada hoose, ta gobolka iyo dawlada dhexe dadkeena in ay iskaga qasan yihiin.

Tusaale:

Burco waxa ay ka cabatay korontada – yaa lagala xisaabtamayaa korontada? Burco haddana waxa ay ka cabatay cisbitaalkeedu in uusan haysan dhooli – yaa lagala xisaabtamayaa?

Korontada magaalada waxa lagala xisaabtamayaa dawladda hoose ee magaalada.

Dhooliga (ambulance) waxa lagala xisaabtamayaa maamulka gobolka.

Waxa aad arkaysaa dawlad hoose oo jaamacad dhisaysa – hadda waa shaqadii dawlada dhexe. Waxa aad arkaysaa dawladii dhexe oo dugsi hoose tuulo ka dhisaysa, hada waa shaqadii dawladda hoose.

Dawlada hoose waxa ay leedahay duq iyo guddoomiye. Badanaa hal qof baa xillalkaas isku qabta, waanna sababta aad u maqashaan guddoomiyaha degmada marna duqa magaalada.

Guddoomiyaha Degmada iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaa dhisa oo dayac tira jidadka degmada. Waanna sababta laamiyada Faransiiska (dadka ku nool Faransiiska) aad u aragtaan jidkanni waa jid degmo (Departemantal). Laamiyada gobolada isku xidhanna National baa la yidhaa (intaas oo KM marka la gaadho ayaa gobol la gelayaa) waxa dhisa gobolka. Dabcan laamiyo lacag ah oo ‘private’ ahna waa ay jiraan.

Goboladda qaar ee Faransiiska waxa ay leeyihiin laamiyo bilaash ah oo gobolkaasi dhistay. Qaarna shirkado ayaa dhisa laamiyada gobolada oo waa lacag. Gobol kastaa waxa uu ku tiirsan yahay dhaqaalihiisa iyo dabcan caawimo uu ka helo dawladda dhexe iyo Midawga Yurub.

Mawduucan doorka Dawladdaha Hoose, sabtida ayaa lagu lafa gurayaa madal ka caagan afmiishaar iyo Ana waykan (MeToo) oo la yidhaa “Aqoon iyo Aragti Wadaag.

Shacabkaygow wax waydiiya dadka aqoonta leh.

Qalinkii: Axmed-xiis Dharbaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here