Wasiirrada Warfaafinta iyo Waxbarashada Somaliland oo Booqday Istuudiyaha Uu Ka Socdo Barnaamijka Ka Baro Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa

    0
    1267

    Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirrada wasaaradaha warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqday Istuudiyaha Telefishanka qaranka ee uu ka socdo barnaamijka ka baro Telefishanka qaranka iyo Radio Hargeysa.

    Barnaamijkaas oo ay macalimiimta kala duwan ee dugsiyada dawladdu gaar ahaan fasalada sideedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare casharada uga gudbiyaan Ardayda uu saamaynta ku yeeshhay xannuunka Karoona waxbarashadoodii, ugu horayn waxa halkaas wasiirrada waxbixin faahfaahsan oo ku saabsan barnaamijka ka baro Telefishanka qaranka iyo Radio Hargeysa ku siiyey wakiilka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska u qaabilsan barnaamijkaas, isagoo sheegay in barnaamijkaasi Ardayada ka caawinayo sidii ay waxbarashadooda u sii wadan lahaayeen inta ay jirto xaaladda xannuunka Karoona fayras.

    Wuxuuna u mahad celiyey wasiirrada warfaafinta iyo waxbarashada oo uu sheegay inay dedaal galiyeen barnaamijkaasi iyo sidii looga midho dhalin lahaa, isagoo bogaadiyey macalimiinta barnaamijkaas ka qayb qaata isla markaana Ardayada kula dardaarmay inay wakhtiga ka faa’iidaystaan.

    Dhankiisana wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali (koore) oo halkaas ka hadlay ayaa ka xogwaramay muhiimadda uu barnaamijkaasi u leeyahay bulshada Somaliland muddada lagu gudo jiro xanibaadaha uu keenay xannuunka karoona fayras, wuxuuna wasiirka warfaafintu intaas raaciyey in la tijaabinayo sidii loo hirgalin lahaa in Ardayda fasalada kalena uga dhigan lahaayeen casharada habkan ka baro Telefishanka iyo Radio Hargeysa hadii loo baahdo.

    Geesta kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo isna halkaas hadal ka jeediyey ayaa sharaxay marxaladihii kal duwanaa ee uu soo maray barnaamjikaasi, isagoo tilmaamay in markii barnaamijkaas la soo jeediyey loo arkayey inuu yahay mid aan suurto galeyn balse uu hirgalay oo uu sidii la rabay u shaqaynayo.

    Wuxuuna wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland amaan iyo bogaadin ballaadhan u soo jeediyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta oo uu ugu horeeyo wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo uu sheegay inuu lahaa dhaqaajinta iyo hirgalinta barnaamjikaasi.

    Sidoo kale, wasiirka waxbarashadu waxa uu u mahad celiyey masuuliyiinta, macalimminta iyo hawl wadeenada barnaamijkaas ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska oo uu xusay inay xilweyn iska saareen barnaamijkaas iyo socodsiintiisa.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here