Dowladda Itoobiya oo War Ka Soo Saartay Raali-gelintii Farmaajo Siiyay Somaliland

0
1583

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay raali-gelintii uu Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu dhowaan ka bixiyey xasuuqii dawladii Siyaad Barre ka gaysatay Somaliland.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaadheen.

Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yidhi “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqii dawladii Siyaad Barre ka gaysatay Somaliland. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah”.

Sidoo kale, waxa warbixintaasi lagu sheegay in Labada madaxweyne ee Muuse Biixi iyo Farmaajo ay magaalada Addis-Ababa ay ku qaateen kulankoodii ugu horeeyay oo albaabadu u xidhnaayeen.

“Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yidhi Warbixinta todobaadlaha ee Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid iyadu door weyn ka ciyaareysa in dib u furmaan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo hakad ku jirey, iyo weliba dajinta xiisada ka dhaxeysa labada dhinac.

 

Hargeisa Press Desk /Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here