Dowladda Eritrea oo Si Kulul Uga Jawaabtay Xayiraada Mareykanku Ku Soo Rogay Taliyaha Ciidamadeeda

0
1449

Asmara (Hargeisa Press) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea, ayaa si kulul uga jawaabtay cunaqabateyn Mareykanku ku soo rogay Taliyaha guud ee ciidamada dalkaasi, kadib go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Eritrea, ayaa lagu sheegay inaan la aqbali karin talaabada Mareykanku kula kacay Taliyaha guud ee ciidamada difaaca General Filipos Woldeyohannes, Waxayna waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymaha loo jeediyay, ayna yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn.

“Runtii tani maaha markii ugu horeysay oo maamulka Mareykanku uu ku dhaqaaqo ololeyaal aan sal lahayn oo ka dhan ah Eritrea  waa wax laga xumaado inaad ku dhaqaaqdeen go’aano ku salaysan wararka warbaahinta oo aan sal iyo raad toona lahayn”ayaa lagu yidhi qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Eritrea waxay ku dooday in tallaabada uu Mareykanku qaaday ay qeyb ka tahay siyaasado codowtinimo ku dhisan oo maamuladii kala dambeeyay ee Mareykanku kula dhaqmayeen Eritrea soddonkii sanno ee la soo dhaafay, waxayna ugu baaqday inay caddeyn u keento eedaymaheeda.

“Dowladda Eritrea waxay ku boorinaysaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay dhabarka u ritaan Masuuliyada ka hortaga iyo raadinta xal u helida falalka soo noqnqoda ee xadgudubyada ba’an ee sharciga caalamiga ah iyo madaxbanaanida dadyowga umadaheeda ee Mareykanka”ayaa lagu yidhi warka jawaabta ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here