Mareykanka oo Xayiraad Ku Soo Rogay Taliyaha Ciidamada Eritrea & Kaalintii Dagaalka Tigray oo Loo Haysto

0
1572

Washington (Hargeisa Press) – Dowladda Mareykanka, ayaa xayiraad ku soo rogtay Taliyaha Ciidamada dalka Eritrea oo loo haysto kaalintii uu ku lahaa tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Wasaarada Maaliyadda Mareykanka, Xafiiskeeda koontoroolka hantid dibadda (OFAC), ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay General Filipos Woldeyohannes, Taliyaha Ciidanka difaaca Eritrea (EDF), kaidb markii lagu eedeeyay inuu noqday sarkaal hay’ad ku hawlan tacaddiyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda adanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Go’aanka dowladda Mareykanku xayiraada ku saartay General Filipos, ayaa loo cuskaday amarka fulinta (E.O.) 13818, kaas oo ku dhisan la-xisaabtanka Xuquuqda Adanaha ee ‘Magnitsky Global’ oo lagu beegsado kuwa gaysta xad-gudubyada daran ee Xuquuqda Aadanaha iyo Musuq-maasuqa adduunka oo dhan.

“Waaxda maaliyaddu waxay sii wadi doontaa inay talaabo ka qaaddo ku lugta leh xadgudubyada culus ee xuquuqda aadanaha ee adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaas oo falalka noocan oo kale ay uga sii darayaan colaada socota iyo dhibaatooyinka bani’aadanimada”ayuu yidhi Agaasimaha Xafiiska Hantida Dibadda Andrea M.Gacki.

Tallaabadan, ayaa muujinaysa sida ay Mareykanka uga go’an tahay inuu xayiraad ku soo rogo kuwa masuulka ka ah falalka sii xoojinaya dagaallada ee horseeday inay Itoobiya ka dhacaan dhibaatooyin aad u weyn.

Waxay ugu baaqeen inay Eritrea si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Itoobiya, ayna dhinacyada isku haya inay billaabaan wadaxaajoodka xabad-joojinta, si loo joojiyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here