Wasiirka Gaadiidka oo Ka Xog-waramay Mashaariicda Horumarinta Waddooyinka

0
1134

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka ee Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa maanta hortegey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, iyaga oo wasiirka xogwaraysi kala yeeshay hawlqabadka shaqo ee wasaradaasi qaranka u xilsaarantahay.

Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa waxaa kale oo uu gudiga uga xogwaramay mashaariicda horumarinta waddooyinka ee dalka ka socda.

Waxaana uu wasiirku sheegay Mashaariicda Waddooyinka lagu dhiso deeqo dibada laga helo iyo kuwa laga maalgeliyo miisaaniyadda Qaranka, isaga oo faahfaahin ka bixiyay dhismaha Waddooyinka Ceerigaabo iyo Togdheer, Boorama iyo Lawyacado, Berbera iyo Hargeysa iyo Hargeysa iyo Ina Guuxa.

Wasiirka, ayaa sheegay in ay wasaaradda ku soo kordhiyeen shaqo gelinka danbe ah si loo kordhiyo adeegga wasaarddu ay u qabato bulshada isaga oo faahfaahin dheraadana ka bixiyay arrimaha Liisamada wadista Gaadiidka iyo dib u eegista lagu sameeyo Gaadiidka.

Xildhibaanada Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa Wasiirka waydiiyay Su’aalo ku saabsan hawlqabadka shaqo ee wasaaradda oo uu isna ka jawaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here