Aadan Bare Ducaale oo Sheegay In Kenya Aanay Kursiga Golaha Amaanka U Adeegsan Doonin Khilaafka Kala Dhexeeya Soomaaliya

0
1297

Nairobi (Hargeisa Press)- Hogaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya, Adan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka shaqeyn doono wanaajinta ammaanka caalamka, gaar ahaan kan gobolka.

Ducaale oo BBC laanta af-Soomaaliga u warramay ayaa sheegay in dalkiisa aanu kursiga u adeegsan doonin khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ee salka ku haya muranka xuduud badeedka labada dal.

“Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya ay kamid ahayd dalalkii noo codeeyay markii aan [musharraxa] ka ahayn Midowga Afrika…. Arinta badda waxay hor taallaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Soomaaliya waxay ogoshahay maxkamadda waxay go’aamiso, anagana sidoo kale. Dalal walaalo ah ayaan nahay, mana kala go’ayno,” ayuu yidhi Adan Barre Ducaale.

Guusha Kenya ayaa ka dhigan in bisha January 2021 ay muddo laba sano ah kamid noqon doonto 15-ka xubnood ee golaha ugu awoodda badan marka laga hadlayo ammaanka iyo xasilloonida caalamka.

Go’aannada ay Kenya ku lug lahaan karto waxaa kamid ah cunaqabateynta, adeegsiga awood milateri si loo ilaaliyo nabadda iyo weliba doorashada xaakimiinta maxkamadda cadaallada adduunka (ICJ).

Loolanka xooggan ee dhexmaray Kenya iyo Jabuuti ayaa daaha ka rogay khilaafka u dhexeeya qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa taageertay hamiga Jabuuti ee kursigaasi, kadib markii uu dalkaasi yar ka horyimid go’aankii Midowga Afrika uu ku taageeray musharraxnimada Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya muran ku aaddan xuduud badeedka labada waddan, kaasoo hadda horyaalla maxkamadda ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here