Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Kordhiyay Xarunta Agoomaha Hargaysa

0
493

Hargaysa (Hargeisa Press): Haayadda khayriga ah ee Camuud foundation ayaa dhismeyaal cusub ku soo kordhisay xarunta agoomaha magaaladda Hargaysa.
Waxaana dhismeyaashaasi cusub xadhiga ka jaray agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland.


Guddoomiyaha xarunta agoomaha Hargaysa ayaa haayadda Canuud foundation uga mahad celisay hirgelinta dhismeyaashan cusub oo ay tilmaantay in ay baahi weyn u qabeen.
Agaasimuhu waxay sheegtay in haayadda Camuud foundation ay si dhaw ula shaqayso xarunta agoomaha, isla markaana ay waxyaabo badan ka caawiso.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here