Dhismaha Huteelkii Hargeysa Club Oo Mar Kale Xukuumaddu Joojisay Iyo Shirar Madaxweynaha Culays Lagu Saarayo Oo Qabsoomay

1
1783
Huteelkii caanka ahaa ee Hargeysa Club

Hargeysa, (HargeisaPress) —Iyada oo ay dhawaan soo baxeen warar sheegayay in ay xukuumaddu hakisay dhismaha in muddo ahba ka socday Huteelkii caanka ahaa ee Hargeysa Club oo ay wakhtigan gacanta ku hayaan dad muwaadiniin ah oo ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wareejisay ayaa waxa ay dib u bilaabeen maalinimadii Khamiistii waxaase markiiba lagu hakiyey amar kale oo xukuumaddu ku joojisay.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola xaaladda Huteelka Hargeysa Club oo Wargeyska Foore Helay ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadiniinta gacanta ku haysa ee hore loogu wareejiyey Huteelkani ay dib u bilaabeen dhismihiisa Khamiistii kadib amarkii ay hore ugu haysteen in ay ku joojiyaan balse waxa markiiba dib u joojiyey xukuumadda oo la sheegay in amar ka soo baxay Wasaaradda Hawlaga Guud lagu joojiyey iyada oo aan la ogayn sababta dib u binayntu uga bilaabantay dhismaha Huteelka maadaama marka horeba xukuumaddu joojisay.

Dhinaca kale waxa maalmihii ugu dambeeyey kadib amarkii hore ee xukuumaddu ku joosay dhismaha Huteelka, Magaalada Hargeysa ka qabsoomay shir doceed hoose oo beesha muwaadinta Huteelka lagu wareejiyey ay kaga arrinsanayeen xaaladda Huteelkan iyaga oo cabasho ka muujiyey qaabka Huteelka loo joojiyey, shirarkaasi oo Madaxtooyada culays lagu saarayay.

Shirarkaasi kadib ayay imanaysaa in Muwaadinta Huteelka lagu wareejiyey uu dib u bilaabo dhismaha Huteelka kadib markii la sheegay in uu kulamo la yeeshay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud balse dib u bilaabidda Khamiistii ee dhimsha Huteelka ayaa isla markiiba waxa imanaysa in xukuumaddu ku war geliso in uu joojiyo.

Xukuumaddii Hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa muwaadiniin badan waxa ay ku wareejisay Hanti badan oo ay dawladdu lahayd oo isugu jirta dhul bannaan iyo dhismayaal dawladeed kuwaasi oo dadku in badan ka qaylin jiray sifaha loo bixiyay hantidaasi dawladdu lahayd balse lama oga in xukuumadda Muuse Biixi ay ka go’an tahay in ay ka daba tagto hantidaasi iyo in kale.

Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here