Dhaqaale Loo La’yahay Wax Ka Qabashada Fatahaadaha Soomaaliya

0
1367

Muqdisho (Hargeisa Press) – Hay’adda gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqaale yarida sii socoto ay caqabad ku tahay wax u qabashada nafaha lagu badbaadiyo ee daadadka ka socda Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in guddiga la-talinta ee Sanduuqa Aadminimada Soomaaliya (SHF) ay ansixiyeen qoondeyn 9 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay meelaha ugu daran ee daadadka ay saameeyeen.

“Ilaa iyo hadda, 14 wada-hawlgalayaal ayaa dib u habeyn ku sameeyay 76,000 oo doolarka Mareykanka ah, waxayna codsadeen in wakhtiga loo kordhiyo kharash la’aan awgeed, si loo hubiyo in la sii wado jawaabaha socda ee caafimaadka, biyaha, faya-dhowrka iyo sugnaanta cuntada oo ay weheliso qaadashada farsamooyinka ka hortagga COVID-19, ”ayay OCHA ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), in ka badan 650,000 oo Soomaali ah ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda tan iyo bishii Janewry sababo la xidhiidga daadad iyo fatahaado wabiyadeed oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Qiimeyn deg deg ah oo la sameeyay bishii Ougost waxay muujineysaa in bulshooyinka ku nool Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka mid yihiin kuwa ugu daran.

OCHA, waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ee soo barokacay ay hadda ku nool yihiin guryo cadhiidhi ah, oo ka sameysan dhar duug ah, baco, kartoono iyo ulo oo horeba ugu xumaa nolasha Barakacayaasha (IDP).

Gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in sanduuqa bani’aadamnimada ee Soomaaliya uu sidoo kale sii wadayo taageerida codsiyada dib-u-dejinta ee la xidhiidha COVID-19 ee la-hawlgalayaasheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here