DHAGAYSIGII MAXKAMADDA SARE EE DACWADA UCID IYO MARAG-FURKII FAYSAL CALI WARAABE…!

0
1105

Kadib markii ay Maxkmadda sare ee Dastuuriga ahi, gudo gashay dhegeysiga Racfaanle Faysal Cali Waraabe, oo ka biyo diiday go,aankii hore ee Guddida Diiwaangelintu kasoo saartay khilaafka Ucid, waxay Maxkamadda sare dhegeysatay qareenada labada dhinac iyo sidoo kale hoggaamiyaasha labada garab ee dacwadu ka dhaxayso.

 

Hadaba, Faysal Cali waraabe ayaa dhawr jeer Maxkamada horteeda ka hadlay, mar kasta oo uu hadlo, wuxuu markhaatiga u furaayey Qareenada u doodayay Garabka Musharax Jamaal, isagoo sheegayay in doodaasi sax tahay, sidoo kale waxa uu Maxkamadda u cadeeyey inuu heshiiskii uu la galay Garabka Jamaal Cali Xuseen uu ahaa mid sharci ah, oo dhaqan galay. Isla markaana Musharax jamaal ay doorteen Golaha Dhexe oo sharciyan awood u leh doorashada Musharraxa Madaxweynaha iyo Ku xigeenka si waafaqsan Qodobka 27aad Xeerka Ucid, Sidoo kalena waxa uu sheegay Faysal Cali waraabe inuu gacanta u taagay doorashadii Musharax jamaal Cali Xuseen oo aanu diidanayn Musharraxnimadiisa. Hase yeeshee waxa uu sheegay in heshiiskii qaybo kamid ah loo baahan yahay in lagu ansixiyo shirweyne aan caadi ahayn.

 

Faysal Cali waraabe, ayaa Maxkamadda horteeda hadalo is burinaya kasoo yeedheen, sidii lagu yaqaanay, waxaanu ku tiraabay Heshiiskan inuu sharci yahay balse ay khalad ahayd inuu Saxeexo waxaanu yidhi “ Heshiiskan may ahayn inaan Saxeexo, waayo 7 xubnood ayuu jamaal noo keenay markii àanu heshiiska wada galnay waxay ahayd inaan 21kii xubnood ee kaydka u ahaa Golaha Dhexe aan ku buuxiyo kadibna aan Guddida Diiwaangalinta u gudbiyo” Ayuu yidhi Faysal isagoo hadalka ka boobayay Qareenadii difaacayay oo iyaga laftoodu dib uga fadhiistay markuu kiiskii isku cadeeyay afkiisana ka qirtay “Waar Ilayn Af Anaad Lahayn Ma Qabatid”, Dadweynahii baa yaabay dhagaysanayay dacwada.

UCID 3

Geesta kale, Faysal waxa uu ku hor ceeboobay Maxkamadda sare, kaddib markii qareenada Jamaal dalbadeen in loo ogolaado inay soo bandhigaan Muuqaalo Video ah oo sheegeyey doorashadii Jamaal cali Xuseen ee golaha dhexe oo Faysal Farta u taagayo Musharraxnimadiisan uu hadda dafirsan yahay, markii dhawaaqasi kasoo baxay Looyarada jamaal waxa uu qaylo afka furtay Faysal cali waraabe oo ku dhawaaqay inaan maxkamada muuqaalka la keenin, oo uu qirsan yahay musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen inay tahay sax, isla markaana uu doortay isaga laftiisu gacanta u taagay. Waxaan maqli jiruun “Wan Wayn Ilaa La Gawraco Indhahiisu Cirka Ma Arkaan”. Faysal wuxuu miyirsaday markii la yidhi ADIGU IS DAAWO, FAYSALOOW IS DHAGAYSO.

 

Sidoo kale weedhaha Faysal iyo qirashada uu Maxkamadda ka horsameeyey wax ka cadhooday Looyaradii u doodayey isagga oo sheegay inuu Faysal markiisii hore khaldan yahay. Qisooyinka cajiibka ah ee Faysal la shiryimi waxa kamid ahaa in isaggana loo daayo Gudoomiyenimadiisa oo heshiiskaa uu ku yahay Gudoomiye, waxa kaloo Faysal Maxkamada ka hor cadeeyey inuu markii heshiiska la gelaayeybaa uu jiray Xeerk ucid, kaasoo ku haftay Suaal la weydiiyey in markii uu heshiiska galay inuu xeerku jiray. Dadweynahii kasoo qayb galay dhagaysiga dacwada waxa fajaciso ku noqotay ninkii lahaa Xisbiga ayaa laygu haystaa oo hadana afkiisa ka qirtay wixii lagu eedaynayay ama uu racfaanka kasoo qaatay oo iska difaaci kari waayay. Arinka faysala yahay damac qaawan oo aan geedna loogu soo gaban iyo indho adkaan aad arkayso inuu wax jira oo cadaynteedii la hayo uu ka dhigo wax aan jirin Subxaanaka yaa caadiim…!

 

Sidaas darteed waxa xusid mudan in Fadeexadii ugu waynayd ee Faysal ka qabsatay Maxkamada Sare horteeda ay ahayd Markii Gudoomiyaha Maxkamada Sare uu waydiiyay Qareenada Garabka Jamaal waxa ay ka qabaan Liis Golle Dhexe ah oo Qareenada Faysal u gudbiyeen Maxkamada inuu ka saxda ah ee ay isla ogolyahiin labada dhinac iyo inkale, Warqadaas ayaa loo dhiibay Xogahayaha Golaha dhexe Eng. Xasan Sabce oo sharciyan leh awooda gudbinta liiska golaha dhexe, Nasiib daro warqadan ayaa noqotay macmal ah oo aan lahayn habayaraatee Saxeexii Sabce lagana been sheegay oo saxeex aan ahayn kiisa lagu saxeexay magaciisana xaga hoose lagaga qoray. Khiyaamada qaawan ee Faysal kaga hor cadaatay inuu Fooljari gareeyay saxeexii sabce ayaa noqotay Ceebtii qaraniga.

 

Ilaahay xaqa hayna garansiiyo.

By. Gacayte Dubad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here