DEG DEG: Iska Hor Imaad Ka Dhacay Gobolka Sanaag iyo Taliye Ku Xigeenka Booliska Puntland oo Ku Dhaawacmay

0
1400

Midigale (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in iska hor imaad uu halkaasi ku dhex-marey dad Shacab ah oo cadheysan iyo ilaalada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.

Iska hor imaadka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag, kadib markii dad ka cadheysan imaatinka Gobolka Sanaag ay banaanbax kala hor yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, hayeeshee ay ilaalada rasaas ku fureen.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay booqasho ku joogaan Gobolka Sanaag iyada oo dadka Gobolkaasina aad uga cadheysanyihiin xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Dad ku sugan deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag ayaa sheegay in rasaastaas ay ku dhaawacmeen ilaa 7 Ruux oo ay kamid yihiin qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Natiijada sawirka Iska hor imaad ka dhacay Gobolka Sanaag & taliye ku xigeenka Booliska Puntland oo ku dhaawacmay

Taliye ku xigeenka Booliska Maamul Goboleedka Puntland Caydiid Axmed Nuur  iyo askar la socotay ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay degaanka Midigale ee Gobolka Sanaag.

Dadka dhaawacmay ayaa guud ahaan tiradooda lagu sheegay 7 qof oo ay afar ka midyihiin Ciidanka iyo saddex Ardey oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxa ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa la sheegayaa in ay adeegsadeen rasaas taas oo sababtay in ay Ciidamada ka jawaabaan rasaastaas sababtayna in dhaawac uu halkaas ka dhasho.

Sidoo kale, wararka aanu ka helayno ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Badhan uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo imaatinka deegaano ka tirsan gobolka Sanaag uu ku tegay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.

 

Hargeisa Press Desk/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here