Dawladda Talyaaniga Oo Badabaadisay Dad Tahriibayal Soomali Ah Oo Ka Baxay Wadanka Liibia.

0
1258

DSC_0060 Tahriibayaal SoomaaliRoma,(HargeisaPress) — Ciidamada illaalada badda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen maydadka 18 qof oo Muhajriin ay Soomaali ku jiraan waxaana dawladda Talyaanigu ay sheegtay in dadkaasi ay u dhinteen qiiq ka soo baxayay Matoorka doonida ay wateen, sida ay baahisay Wakaalada Wararka Talyaaniga ee AFP.Ciidamada illaalada badaha Talyaaniga ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen dooni sida 600 oo muhaajiriin ah xili ay maraysay Koonfurta Jaziirada Lampedusa ee Talyaaniga.

Masuuliyiin Talyaaniga ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay in qof kale uu isna dhintay kadib marki la soo badbadiyay , iyagoo intaasi ku daray in ka badan 2 kale diyaarad Helicopter ah loogu qaaday Ispitaal Palermo oo ku yaala jaziirada shiishalis.

Bishii October ayay ahayd markii dooni siday 400 oo qof ay ku dagtay biyaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaniga halkaasna ay dhamaantood ku dhinteen dadkii sarnaa donidaasi.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday marin biyoodka ugu badan ee ay isticmalaan dadka doonaya in ay galaan dalalka Yurubta oo ay aaminsanyihiin in ay taalo nolal dhaanta tan wadamadooda ka jirta.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here