Jamal Cali Xuseen Oo Si Adag Uga Hadlay Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ay Xukuumada Siilaanyo U Dhiibtay Dawlada Jabuuti

0
1202

Jamaal CaliHargeysa,(HargeisaPress) — Musharaxa Madaxtinimo ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Xisbigoodu ka soo hor jeedo Muwaadiniin Reer Somaliland ah oo dhawaan Xukumadda Axmed Siilaanyo Dalka Jabuuti u gudbisay.

4 Muwaadin oo Xukumadda Somaliland sheegtay in la baadhay ka dib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Jabuuti lagu qaaday ayaa loo gacan galiyay dalka Jabuuti.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaan Dastuurka Somaliland ogolayn in Muwaadin dal kale  loo gudbiyo. waxa uu sheegay inay ahayd in Somaliland lagu Maxakamadeeyo.

“Dastuurka qaranka Somaliland qodobkiisa 35aad waxa uu sheegayaa in muwaadiniinta dalka u dhalatay inaan meel kale la gayn doonin, anaguna dastuurka  ayaanu ilaalinaynaa” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharax Jamaal waxa uu tilmaamay Mawqifka Xisbiga Ucid ka taagan yahay Arintaasi waxaanu yidhi “Haddii ay jiraan xidhiidho ama heshiisyo gaar ah oo ay dawladuhu ku heshiiyeen in dadka laysu gudbiyo, in muwaadiniin Somaliland ah la gudbiyo anaga  xisbigayagu ma ogolin waana arin cad oo dastuurkuna ogol yahay”

Musharaxa Ucid waxa uu tibaaxay in Dastuurku Sheegayo oo kaliya in Muwaadinka Somaliland ah dalkiisa lagu Maxakamadeeyo balse ay jiri karaan Heshiiso dhex mara Xukumadda  “Laakiin xidhiidhada jira inagaba dad ayaa laynoo soo gudbiyaa danbiyo inaga galay oo ay inoo soo celiyaan wadamada jaarka, haddii ay jiraan xidhiidhadaas gaarka ahina waa ka gaar laakiin sida uu dastuurku sheegayo qofka muwaadinka ah ee dalka u dhashay waa in dalka lagu  xukumaa, taas ayuun buu xisbigayagu aaminsan yahay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Xukumadda Somaliland ayaa 4 Qof oo laga qabtay Hargeysa u gudbisay Dawladda Jabuuti ka dib markii lala xidhiidhiyay Qaraxii Jabuuti ka dhacay dhawaan. Xukumadda Somaliland ayaan wax sharci ah u cuskan Dhiibista Muwaadiniinta Somaliland.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here