Dawladda Somaliland Oo Qaramada Midoobay U Magacaabay Ergey Gaar Ah

0
924
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo doraad warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa  sheegay in Ergey gaar ah uu u  magacaabayo Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York, si uu uga shaqeeyo barnaamijka ictiraaf raadinta Somaliland.

 

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay tahay labo meel oo aad ugu muhiim in la gaadhsiiyo qadiyada madax banaanida Somaliland islamarkaana loo baahanyahay dublamaasiyiin maalin kasta dawladaha caalamka xasuusiyada madax banaanida Somaliland.

 

Waxaa uu sheegay in Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda uu marar badan tagay Xarunta Qaramada Midoobey, balse nasiib darro aysan wali helin aqoonsi.

 

“Waxaa goosanay inaan Ergey gaar ah u magacawno Qaramada Midoobay , ma aha in  safar mar lagu tago uu caalamka xusuusinayo  qadiyadeena, waa In maalin walba qadiyadeena loo geyaa oo laga shaqeeyaa sidii qaramada Midoobay lagaga Hadli lahaa lahaa ama looga hadli lahaa Qaramada Midoobey”

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhawaan ugu baaqay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika in ajandayaasha shirarkooda ay  ku darsadaan arrinta Qadiyada Madax banaanida Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here