Dawladda Maraykanka Iyo Dahabshiil Oo Iska Kaashanaya Awoodsiinta Dhaqaale Ee Dhallinyarada Afrika.

0
1393

Kampala, UGANDA (HargeisaPress) — Shirkadda Dahabshiil Group ayaa kala shaqaynaysa safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Uganda qabashada bandhig hal-abuurnimada xirfado ganacsi kombiyuutarrada ah oo lagu qaban doono magaalada Kampala 8 ilaa 10-ka bishan January.

 

Kulankan oo loo qorhseeyey in lagu soo bandhigo moohibada, hal-abuurnimada iyo fikradaha ikhtiraacyada ah ee ka dhex guuxaya qaar ka mid ah dhallinyarada dalka Uganda, gaar ahaan xirfadaha ku saabsan kombiyuutarrada sida samaynta barogaraamyada, naqshadaynta iyo kuwo kale, kaas oo ujeeddada laga leeyahay tahay si looga caawiyo shaqo-abuur, lana yareeyo shaqo la’aanta, iyadoo loo qaybin doono kooxo ku tartamaya fikrado ama hal-abuurnimo ay ku abuuri karaan waxyaabo ka mid ah barmaamijyada kombiyuutarrada, kuwaas oo ay kala saari doonaan guddi garsoor madasha fadhida iyo dad lagaga qaybgali doono aaladaha tiknoolajiga. Waxaanna kooxda ku guulaysataa heli doontaa lacag dhan $ 5,000 dollar (shan kun oo dollar) oo dhaqaale abuur ah iyo lix bilood oo xubinimo iyo tababaro laga bilaabi doono magaalada Kampala.

Dahabshiil Group oo ka mid ah shirkadaha ugu horreeya dhinaca adeegyada dhaqaalaha ee Afrika, muddo dheerna u ololaynaysay in ganacsiyada yaryar ee bulshadu ay horseedayaan koritaanka dhaqaale, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, waxay ka qaybqaadataa taageerida dadaallada dadka ee ganacsiyadooda, iyadoo Dahabshiil Group uu hirgeliyey hannaanka caawimada ganacsiyada yaryar ee Baanka Dahabshiil ee MicroDahab (MFI) bishii July 2014, si loo yareeyo faqriga oo la dhiirrigeliyo fursadaha abuurista ganacsiyada yaryar ee guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, waxaanna ilaa hadda MicroDahab maalgelin ganacsi ku sameeyey in ka badan $1 milyan dollar, si loo abuuro fursado shaqooyin cusub.

 

Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo ka hadlayey qorshahan, waxa uu yidhi, “Waxaannu aamisanahay in awoodda bilaabista ganacsiyada cusub inay isbeddel degdeg ah ku samaynayso qaab dhaqan-dhaqaale ee Africa. Ganacsiyada dhallinyaradu, si gaar ah waxay hage muhiim ah u noqonaysaa hal-abuurka iyo kobaca mustaqbalka ee ganacsiga da’yarta Uganda.”

dahabshi

“Sida Dahabshiil, qaar badan oo ka mid ah ganacsatadani waxay ka gudbeen dhibaatooyin ama caqabado, waxaanay iminka isbeddel ku sameeyeen bulshooyinkooda. Waxaannu la soo shaqaynay meelo badan Afrika ah, waanuna ku faraxsanahay in aannu taageerno abuurista ganacsiyada dhallinyara ee Uganda,” ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.

 

Dadka reer Uganda 77% waxay da’doodu ka yar tahay 30 sano jir, halka ay jiraan 7,310,386 dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 15-24 sanno ay ku nool yihiin waddankaasi. Waxaanna dawladda Uganda doonaysaa inay horumarinta dhaqaalaheeda ay xoogga saarto dumarka iyo dhallinyarada, iyadoo ku dhawaad 80% ka mid ah dadka ku nool Uganda iyo guud ahaan dalalka Afrika ka shaqeeyaan qaybo aan rasmi ahayn, sidoo kalena 60% ka mid ah dhallinyarada ayaa ah bilaa shaqo.  Sidaas darteed, in ka badan 11 million oo dhalinyarro ah ayaa sannad walba ay hortaal Afrika sidii shaqo loogu abuuri lahaa sannad walba.

 

Dawladda Mareykanka ayaa muhiimad u siinaysa abuurista ganacsigu inuu yahay mashiinka koritaanka dhaqaale iyo xasiloonida Afrika iyo gobollada kaleba, waxaanna Afhayeen u hadlay safaaradda Maraykanka ee magaalada Kampala uu sheegay in bandhiggan cusub ee hal-abuurka dhallinyaradu uu qayb ka yahay dadaallada dawladdoodu wado iyo sare u qaadida fursadaha dhaqaale ee dalka Uganda.

 

“Safaaradda Maraykanku waxay u taageeraysaa barmaamijkan si loo horumarin lahaa tiknoolajiga gudaha Uganda iyo sidii loo bilaabi lahaa ganacsi abuura shaqooyin, gaar ahaan da’yarta,” ayuu yidhi Afhayeenku.

 

Dahabshiil Group waa shirkado badan oo heer caalami ah oo ay ka mid yihiin shirkadda xawilaadda lacagaha ee ugu wayn Afrika, shirkad telefoon iyo adeegga lacagaha la isugu diro telefoonnada iyo Bangi caalami ah.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here