Dawladda Jabuuti oo Ka Hadashay Saldhiga Ay Siisay Ciidamada Badda Itoobiya

0
658

Djibouti (Hargeisa Press)- Dawladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu sheegay in ciidamada badda Itoobiya ee cusub uu saldhiggoodu noqon doono Jabuuti.

Wargeyska Capital Ethiopia oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa qoray in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisal wasaare Abiy Ahmed kala hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Jabuuti ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya, la iskuna raacay.

Hase yeeshee safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weli ayna jirin wax heshiis ah oo Jabuuti ku ogolaatay in ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya.

“Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma aha war rasmi ah, ma hayno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaadheen ” ayuu yidhi Safiir Maxamed Idiris Faarax.

Maxamed Idiris Faarax waxa uu qiray in labada waddan ay ka wada hadleen arrintan, balse illaa iyo hadda ayna jirin wax dhaafsiisan wada-hadal oo kasoo cusboonaaday arrintaas iyo heshiis rasmi ah oo la gaadhay.

“Waxay ahayd dalab ka yimid ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuuti, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doonaa”, ayuu hadalkiisa ku daray safiirku.

Safiirka ayaa dhinaca kale sheegay in heshiis kasta oo Jabuuti ay arrintan ka gaadho uu noqon doono mid saddex geesood ah oo Faransiiska uu qeyb ka yahay.

“Haddii ay noqota in heshiis la gaadho wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya” ayuu yidhi.

Dawlada Faransiiska ayaa Itoobiya ka caawinaysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana imika qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka Faransiiska, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya.

Sidoo kale, Faransiiska oo hore u gumeystay Jabuuti ayaa ah xulufada ugu weyn ee dalkaas, in uu qeyb ka noqdo heshiis kasta loo arkaa tallaabo ay Jabuuti isku ilaalinayso, si ayna dhibaato uga iman Itoobiya oo aad uga weyn ugana awood badan.

Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyay ciidamadii badda ee dalkaas.

Markii uu ra’iisal wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhawaaqay in Itoobiya ay dib u dhisayso ciidamadeeda badda.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here