Dameer Malab Sidaa Malab Muxuu Ka Yaqaan “Fadlan Waqti Yar Sii Akhri And Discuss” Qallinkii: Ahmedyasin Sh Cumar Ahmed Fure

0
1087
Aqoonyahan Ahmed-yasin Sheikh Omar

Noloshaaba geeddiyoo,gedgedoonka ku caan ahe, hadaan waagii baryaa bildhaan iyo iftiin ku tusin hadaan aqoontu ku farin saadaasha maqan doon,baroorta mar uun ka guur oo barwaaqo horseed ka noqo, bur iyo biyo mid uun bislee ileen dameer malab sida aqoontaadu la siman .

 

Nolosha aduunka taalaa waxay ku dhisan tahay macno weyn oo rabaaniya waxaana ugu muhiimsan in alle la caabudo waxaase ilaahay aduunkan ugu talo galay in aduumihiisa ku imtixaano, mawduucaygu wuxuu ku koobnaan doonaa isbadalada fikri ee dadka lagu hago horumarna lagu gaadhsiiyo .

 

Aduunka tagay ee aynu deeqaha iyo dhaqaalaha ka sugnaa ee waraaqaha hanjabaada ah inoo soo dira maaha kuwo mucjiso rabaani ah ku socda alle’na gargaar gaar ah siinayo ee waa rag tashaday oo maskaxdooda intii wanaagsanayd ka faaideeyay, bal tusaale fiican aan soo qaado waxaa jira ururo cilmi baadhayaal oo ay ku kulmaan khuburo udiyaarsan inay si dhab ah noloshan horseed uga noqdaan.

 

Think tank “ a group of people who are read,discuss,think,write,usually to address and readdress a matter of vital importance to humanity” waa koox dad ah oo ku midoobay inay qayb ka noqdaan xalka dhabta ah ee noloshooda waxaanay daraaseeyaan wadooyin cusub oo horseeda nolol wanaagsan waxay suurtagaliyaan inay doodaan,akhrin,fikir iyo qoraal si loo helo macluumaad cusub waxaanay ka gaadheen guulo la taaban karo oo aynu wada arki karno inay aduunka intiisa kale gacantooda hoos keenaan .

 

Dalladan wayn ee Think Tank waxaa hoos yimaada ururo ka kooban ilaa boqolaal urur cilmi baadhayaal oo iskugu jira dhamaan dhinacyada nolosha oo dhan

Political and economic think tanks,Acton Institute

Allegheny Institute for Public Policy

American Action Forum

American Civil Rights Union

American Enterprise Institute

American Institute for Economic Research

Berggruen Institute

Bipartisan Policy Center

Brookings Institution

Analysis Group

Atlas Economic Research Foundation

Beacon Hill Institute

Buckeye Institute

Cato Institute

Cascade Policy Institute

Center for American Progress

Center for Automotive Research

Center for Development and Strategy

Center for Economic and Policy Research

Center for Freedom and Prosperity

Center for Governmental Research

Center for Immigration Studies

Center for Media and Democracy

Center for National Policy

Center for Public Integrity

Center for Public Justice

Kuwani waa qaar ka mida ururada cilmi baadhayaasha ee ah ee ka mid ah dallada wayn ee Think Tank gaar ahaan Dalka Maraykanka waxay waqti walba ku jiraan baadhitaan cilmi oo haga kolba sida ay u rabaan inay dabargooyaan baahiyaha dadkooda iyo wadooyin cusub oo usuurta galin kara jihooyin cusub oo nololeed.

Natiijooyinka ururadani gaadheen.

  • Aduunka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood qolo iyagu isticmaalayaal la yidhaahdo tusaale iphone7 ayaa soo baxay xaga hore ka iibsanaya iyo qolo iyagu (inventions)Ikhtiraacayaal oo wixii uu uu aduunka intiisa kale ku mashquulin lahaa sameeyaba
  • Debit card waa lafyar oo adag oo loo isticmaalo sidii xisaab bangi lacag aad dhigatay aad u isticmaali lahayd markaa aad u baahato waxay innaga inoola muuqataa waxyar balse inkabadan lix sanno ayaa sidii loo samayn lahaa cilmi baadhid loogu jiray .
  • Democracy waa nidaam maamul oo dawlada Maraykanku abuurtay laguna fadhiisinayo cidkastoo la tartami lahayd waxaanay gaadhsiiyeen dhamaan dawladaha aduunka intoodii badnayn gaar ahaan dawladaha islaamka oo manhaj samaawi ah haysta ayaa lagu khasbay inay qaataan
  • Funding waa qaybo ka mid qaababka wax loo gumaysto iyadoo baahida taala maahe tukale lasii dabargoynayo.

Hadabba innaga aqoonteenii iyo caqligeena xikmadeedii ma cidkale ku xumeebaa , cid ku caybaa , ma hoos usii dhaadhacbaa , ma boogta dhaymada u baahan hala qodqodaa qaabkee aynu uga bixi karnaa dhibaatada bulsho ee umadeena haysata ?

Aniga ahmedyasin ahaan waxaan qabaa inay jiraan 6 qodob oo isku cagsi ah natiijo kala duwana leh

1- Sidee umad u dhisantaa?

2- Sidee umadd loo kiciyaa ?

3- Sidee umadd horumar loo gaadhsiiyaa

Sadexda qodob ee kalena waxay cagsi ku yihiin sadexdaa qodob ee hore

1- Sidee umaddi u dhaadhacdaa

2- Sidee umaddi uduntaa

3- Side umaddi taariikhda uga baxdaa

1) Sidee umadd loo dhisaa ?

Ummadi waxay ku dhisantaa

  • fikrad , ruux, rabitaanka iyo hadafka taariikhda aduunka may dhicin tolaayeey in wax lagu dhiso dadyowga carabtu 1000 sanno ayay carab ahaayeen oo ay dawlad ku dhisi kari waayeen 13 sanno gudaheedna dawlad ayay ku noqdeen aduunka qabsatay waa xiligii nabigu csw hadaf iyo cadaalad uu ka hirgaliyay dhulkii carabta .

2) ummad sidoo loo kiciyaa

Ummadi waxay loo kiciyaa in dib loo saxo aasaaska isbadal oo alle sheegay in qaaciido dahabiya jirto oo quraanka ku sheegay Surratul Anfal/suratul racdi “nimcadda qoom siinay kama qaadno ilaa iyagu iska qaadaan”

Ummadi waxay u baahan tahay khilaafka in laga saaro, cadaalad hesho, in gaajada ka baxdo horumar dhaqaalena gaadho,in wadaniyad iyo kalgacal lagu beero oo wadajir kuwada yagleelo .

3) ummad sidee horumar loo gaadhsiiyaa.

Waa in halgan dhab ah la galaa loo sabraa dhibaato kasta oo kaa hortimaada laguna tartamaa sidii wanaaga looga sarayn siin lahaa inta xumaha wada

Qaybta kale ee cagsi ah

1) sidee umaddi u dhaadhacdaa

Waxay ummadi u dhaadhacdaa waa xagii soomaalidee marka tallado diro ninkii maqasha lagala quustay oo uu horseedo nolol iska wada soo horjeeda xaasidka iyo xiqdiqana beertaba garsoorayaashuna oo dadka ahina sacabka macno la aan ugu tuma “waa runtaa wasiir waa runtaa” hada waa kii liqayba allaahu akbar

2) Sidee bay umaddi u duntaa

Hees baa ahayd “waxay nabaddi cadhootay markii carri daba la danwaayay” jaahilnimadda marka la dugsado ayaa nidaam qalafsan oo dhaqan jaahiliyii abuurmaa markaasay qabyaaladu yeedhmo dheer gashaa daalinku xoola yeeshaa

3) Sideebay ummadii taariikhda uga baxdaa

Waxay ka baxdaa marka xikmaddu aduunka loo abuuray la hareermaro aaway mangolian ama tataarkii aduunka haystay ee dawladkasta u hanjabayay waxaa ilaahay ku ridaa khilaaf badan iyo xasad oo walaalnimada la fogeeyaa gaalkana ka jeclaadaan waa dhibaatada soomali ku dhacda maalinba gobol kenya iyo ethopia sheeganayaan

Gunaanadka qoraalkaygani waa hadii wadankeena xarun cilmi baadhis rasmiyi ka jirto halasoo eego waa in aynu bal wax isbarbardhignaa oo istusnaa in aynu cidlo gudayno aqoontana ta wax lagu qabto ayaa ugu khayr badan aynu wax ku qabano si mutadawacnimo ah.

 

 

Mahadsanidiin

W/Qoray: Ahmedyasin Sh Omar Ahmed Furre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here