Dalladda Jilayaasha Aan Dawliga Ahayn Ee SONSOF Oo Warbixin Guud Kasoo Saaray Diiwaangelinta Codbixinta Ee Saaxil, Gabiley Iyo Baligubadle

0
987

Warbixin Hordhac ah: Diwaangelinta Codbixinta,Goobaha: Saaxil, Gabiley iyo Baligubadle  Warqaddii 3 Koobid;

Bishan Maarij 12 – 18-keedii, 2016-ka: Dalladda Jilayaasha aan Dawliga aheyn ee (SONSAF) iyada oo kaashanaysa madasha Ururada bulshada ee arrimaha doorashooyinka (SCISEF), waxay goobjoogeyaal maxaliya u kala direen afarta degmo doorasho ee kala ah; Berbera, Sheekh, Gebilay iyo Bali-gudbadle ee ay diwaangalinta codbixintu ka bilaabmatey bishan 12-kii Maarij ee 2016-ka. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay gaadheen goobjoogayaasha maxaliga ahi in ka badan 150 goobood, iyada oo tirada guud ee goobuhu ahayd 181 goobood, oo ay ka socotey diwaangelinta codbixinta doorashooyinku, oo u dhiganta 82.87% boqolkiiba tirada guud ee goobaha ay gaadheen goobjoogayaasha maxaliga ah ee SONSAF hawl-galisey.

 

Kala diridda goobjoogayaasha maxaliga ahi waa hawshii saddexaad ee nooceeda ah ee loo kala diro goobaha ay ka socoto diwaangalinta codbixinta doorashada ee la filaayo iney qabsoonto sannadka inagu soo food leh. Ujeeddada ka dambeysaana tahay sidii loo qiimeyn lahaa loona ogaan lahaa habsami u socodka diwaangelinta codbixinta, waayaha ku gadaaman ee dhinac kasta, hadday tahay xagga sharciyadda iyo xagga hawl socodsiintaba.

 

Goobjoogayaasha maxaliga ahi waxa ay caddeeyeen in booqashooyinkii madaxda xisbiyada qaranku ay ku marayeen goobaha diwaangalintu, ilaa bilawgii gobolka Togdheer, ay isku rogtey arrin ololeyn iyo tartan xooggan oo u dhaxeeya xisbiyada qaranka, ee aaney marnaba aheyn wacyigalin iyo kormeerid. Arrintani waxa si gaara u waday labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo WADDANI sida uu sheegey xisbiga UCID, waxaaney dhallisey in guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu si kulul u cambaareeyo, walibana uu qoraal cabasho dhaleeceyn ah uu u gudbiyey komishanka doorashooyinka qaranka, taasi oo uu kaga cabanaayo labadaasi xisbi iney olole iyo kicin wadaan. Warbaahinta ayey isku waydaarsadeen hadallo kulkulul labada xisbi ee WADDANI iyo UCID oo ku saabsan cabashooyinka iyo eedaha uu u jeediyey guddoomiyaha UCID xisbiga WADDANI. Arrintaasi oo markii dambe laga heshiiyey sida uu qirey guddoomiyaha xisbiga WADDANI.

 

Sidoo kale, waxa ay goobjoogayaasha maxaliga ahi  soo sheegeen in goobta la yidhaahdo Barwaaqo, ee hoos tagta dagmada Berbera ay ka dhacdey shaqaaqo yar, oo sababtey iney ku dhaawacmaan saddex hablood oo ka mid ahaa dadkii is-diwaangalinaayey, ka dib markii lagu wargaliyey inuu dhammaadey wakhtigii shaqadu, oo ay yimaaaddaan beri subaxa hore. Taasi oo keentey in dadkii ku jirey safafka dhaadheeri ay ka gadoodaan, ka dibna askartii ilaalada goobtu ku furan rasaas keentey dhawaacaasi. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaashu waxa uu ahaa dhaawac fudud midka soo gaadhey habluhu, iyada oo arrintaasi markii dambe la xaliyey.

 

Dhinaca kale sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaasha maxaliga ah ee ku kala filiqsan dhammaan goobaha ay ka socoto diwaangalintu, waxa ay soo sheegeen in xaalado adag oo ba’ani ay ka jiraan goobaha durugsan ee aan magaalooyinka aheyn oo ay saameysey abaarta baahsan ee ku habsatey Somaliland iyo xaaladda cimilo ee gobolka Saaxil gaar ahaan. Si kastaba ha ahaatee, maalmihii hore oo dad badani rabeen iney isdiwaangaliyaan waxa goobaha badankooda ka dhacaayey cilado xagga farsamada u badnaa oo la xalinaayey oo mararka qaar saameyn toban ku yeelanaayey habsami u socodka diwaangalineed ee goobta.

________________________________________________________

Warbxin Guud

Bishan 12-kii Maarij, 2016-ka, waxay si rasmi ahayd uga bilaabmatey diwaangalinta codbixinta doorashooyinka la filaayo in sannadka dambe ay qabsoomaan dagmooyinka; Berbera, Sheekh, Gabiley iyo Baligubadle. 181 goobood ayey si toos ah uga bilaabmatey oo kala ahaa; Saaxil (Berbera iyo Sheekh) 84 goobood. Gabiley 70 goobood iyo Baligubadle oo ahayd 27 goobood. Waa markii saddexaad ee Dalladda SONSAF ay u kala dirto goobahaasi goobjoogayaal maxali ah si guul ah, iyaga oo ka midho dhalliyey iney soo gudbiyaan macluumaad sugan, hufan, oo waxtar weyn u yeelan kara horusocodka diwaangalinta codbixineed ee socota.

 

Inkasta oo ay xisbiyada qaranku si weyn uga qeyb qaateen wacyigalinta, dardargalinta iyo dhiirigalinta dadweynuhu iney is-diwaangaliyaan, haddana waxa muuqatey iney ka soo dhex baxeen booqashooyinkii ay ku maraayeen goobaha diwaangalinta iyo gobollada ay ka socotaba iney wadeen olole hoose oo xoogan oo marmarka qaar ay ku muujinaayeen dareen isu soo baxyo waaweyn watey oo khalkhal galin karaayey horusocodka diwaangalinta socotey, gaar ahaan labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo WADDANI, iyada oo ay goobjoogayaasha maxaliga ahi soo gudbiyeen in taageerayaasha labadaasi xisbi adeegsanaayeen astaamo muujinaaya calanka xisbiga iyo hoggaankiisaba, arrintaasi oo ka hor imaneysa habdhaqankii anshaxa suuban ee lagu dhaqaayey ee ay wada saxeexeen saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranku.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay ku taliyeen goobjoogayaasha maxaliga ahi in la ixtiraamo Xeerka hab-dhaqanka asxaabta qaranka ee diwaangelinta codbixiyaasha lana dhaqan galiyo heshiiskaasi ay saxeexeen saddexda xisbi, iyada oo talaabo ku habboonna laga qaado xisbigii jabiyey ama jabiya si ay u dhiiri galiso in aaney mar dambe dhicin arrimahaasi oo kale, si aaney dhaawac ugu keenin ama u abuurin tartan abuuri kara iska hor imaad dhex mara taageerayaasha xisbiyada, oo aan wakhtigan loo baahneyn.

 

Arrinta ciladaha farsamo ee ay soo sheegeen goobjoogayaasha maxaliga ah ee ku sugan goobaha diwaangalintu waa kuwa soo noqnoqonaaya oo joogta ah min gobol, degmo iyo tuulo kasta, iyada oo haddana la xalinaayo caqabadahaasi farsamo ee ku badan goobahaasi. Si kasta oo ay tahay goobjoogayaasha maxaliga ahi waxa ay u soo jeedinayaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka “KDQ” in la kordhiyo kooxaha cilad saarayaasha ee goobahaasi joogaaya, si loo yareeyo caqabadaha farsamo ee dhici kara ama dhacey, waayo, waxa ay sababi karaan cabaqadahaasi iney dib u dhac farsamo ku keenaan hanaanka wacan ee ay u socoto diwaangalinta codbixiyayaashu. Si gaara gobolka Saaxil, waxa ay ahayd arrin taabatey, waayo waxa jira goobo xeebta durugsan ama buuraleyda ah oo waddo xumida ka jirtaa ay sababtey in kooxaha cilad saarayaashu ay wakhti qaadatey iney soo gaadhaan goobaha qaar oo cilado farsamo ka dhaceen.

 

Goobjoogayaasha maxaliga ahi waxa ay soo weriyeen in abaaraha baahsan ee ka dhacey deegaannada galbeedka Somaliland, gaar ahaan labada degmo doorasho ee Gabiley iyo Baligubadle ay saameyn weyn oo taban ay ku yeelatey deegaannadaasi dadka daga, oo niyad jab weyn ku keentay bulshada aaggaasi dagta, taasi oo sababtey in aaney si weyn iskugu soo bixin iney is diwaan galiyaan. Sidaa oo ay tahay haddana, dadka badankiisu wax ay u gudbeen xaggaasi iyo waddanka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, taasi oo caqabad weyn ku noqotey iney dib u soo noqdaan saameynta abaarta awgeed si ay isu diwaan galiyaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay SONSAF ku talineysaa in KDQ, ay tixgalin weyn siiyaan goobahaasi ay abaaruhu saameeyeen, in loo kordhiyo qalabka diwaangalinta ee ku sii hadhaaya goobaha cayiman in la kordhiyo si ay fursad ugu helaan dadkaasi iney isdiwaangaliyaan.

 

Sidaa darted, SONSAF iyo goobjoogayaasha maxaliga ahiba waxa ay talo ahaan u soo jeedinayaan KDQ, iyo dhammaan cid kasta oo ay khuseyso arrintani in qaabka wacyigalinta dadweynaha loo gaadhsiinaayo farriimaha diwaangalinta xil adag leyska saaro, lana xoojiyo, waayo, waxa ay arrintani sababi kartaa in dadweynaha is-diwaangalinayaa ay yaraadaan, taasi oo caqabad ku noqon karta fahanka iyo hawl-socodka diwaangalinta codbixiyayaasha ee xeer tiro asto 37/2007.

 

Gebagabo

 

Ugu dambeyntii, goobjoogayaasha maxaliga ahi waxa ay qirayaan in diwaangalintii codbixinta ee ka bilaabmatey degmooyinka Berbera, Sheekh, Gabiley, iyo Baligubadle bishan Maarij 12keedii, 2016-ka, ay si guul ah ku soo gebagabowdey wereeggeedii hore ee toddobada cisho ahaa. Sidoo kale waxa ay SONSAF soo jeedineysaa cod dheerna ku xoojineysaa in xisbiyada qaranku ay ixtiraamaan, dhawraan, ilaaliyaan Xeerka hab-dhaqanka asxaabta qaranka ee diwaangelinta codbixiyaasha ee ay saxeexeen. Waxa kale oo ay guddida ilaalinta anshaxana u soo jeedineysaa iney il dheer ku eegaan cidda jebineysa xeerkaasi, talaabo ku habboona ka qaadaan wakhtigeeda. Guntiina, waxa ay SONSAF hambalyo, iyo amaan dhiirigalineed u soo jeedineysaa KDQ, oo muujiyey karti iyo hufnaan wacan. Ma suurta gasheen arrintan guusheedu haddii aaney si wacan uga qeyb qaadan xisbiyada qaranka iyo saxaafadda oo muujiyey wada shaqeyn wacan.

 

Allah Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here