Itoobiya oo Somaliland Siisay Deeq Waxbarasho

0
2067

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay deeq waxbarasho ka heshay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaarada Waxbarashada.

Tirada deeqda waxbarsho ee ay Somaliland ka heshay Itoobiya ayaa wasaarada waxbarashadu ku sheegtay in ay dhantahay 370 Arday oo ah waxbarashada heerka koowaad (Bachelor Degree).

Wasaaradda Waxbarashada ayaana sidoo kale ku wargelisay dhammaan Ardayda danaynaysa deeqdan waxbarasho inay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo.

Shuruudaha Laga Rabo Ardayda Danaynaysa Deeqdan Waxbarasho ayaa u dhigan sidan:-

In uu yahay mudaawid reer Somaliland ah oo sita kaadhka dhalashada Somaliland (Somaliland National ID).

In uu labadii sano ee ugu dembeeyey ka baxay Dugsiyada Sare ee dalka (2018/2019 iyo 2019/2020).

In uu soo qoro codsi ay ku cadahay kulliyadda uu ardaygu codsanayo.

In uu sito warqada cadaynta dembi la’aanta.

In uu sito warqad caafimaadka

In uu sito warqada akhlaaq wanaag ah oo uu soo cadeeyey maamulka dugsiga uu ka soo baxay ardaygu.

Laba sawir oo (kur ah).

In uu diyaar u yahay in uu galo imtixaan lagu tijaabinayo fahamka ardayga ee luqada Ingiriisiga iyo Xisaabta (professional test for English and Mathematics), imtixaankaas oo uu maamulayo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Goobaha Lagu Xaraynayo Codsiyada:

Arday kasta oo buuxiya shuruudaha kor ku xusan waxa uu codsigiisa ku soo xaraynaya xafiisyadda ay Wasaaradda Waxbarashadu ku leedahay degmooyinka iyo gobolladda dalka, laga bilaabo 17th/4/2021 kuna eeg 27th /4/2021. Wixii xiligaa ka dembeeya lama qabanayo wax arji / codsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here