Daawo: Waxyaabihii U Qabsoomay Badhasaabka Sool Sanadkii 2019-kii

0
706

Laascaanood (HP): Sanadkan dhamaaday ee 2019-ka waxaa gobolka Sool ka hirgalay waxqabad muuqda oo dhinacyo badan leh, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin amaanka, caafimaadka, waxbarashadda, biyhaha iyo horumarinta maamul wanaaga.

Waxyaabaha kale ee dhinaca horumarka ah ee gobolka Sool ka qabsoomay sanadkan dhamaaday waxaa ka mida tartankii ciyaaraha kooxaha kubbadda cagta gobolka Sool oo socday muddo bil ah, isla markaana ay ka qayb qaateen 31 kooxood.

Sidoo kale arrimaha ugu waaweyn ee sanadkii 2019-ka ka hirgalay gobolka Sool waxaa ka mid ah bandhigii carwadda buugaagta Laascaanood, taasoo ay ka qayb galeen abwaaniin fara badan, qoreyaal caan ka ah geyiga Soomaalida oo dhan.

Waxa kaloo bandhigii buugaagta Laascaanood ka soo qayb galay boqolaal isugu jiray weriyeyaal, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kaloo aad u badan oo isugu jiray dhalinyaro Rag iyo haweenba leh.

Guud ahaanba waxqabadkaasi  dhinacyadda kala duwan leh, waxa uu gobolkaasi ka hirgalay mudadii uu xilka hayay badhasaab C/qani Maxamuud Jiidhe, kaasoo ay nidaamka maamul ee uu gobolka ka qabtay si weyn ugu riyaaqeen bulshadda gobolkaasi.

Waxaanay bulshadu ku amaaneen C/qani Jiidhe, in uu noqon doono shaqsi ku suntan taariikhda gbolkaasi, isla markaana mudadda uu joogay uu hirgeliyay horumarka balaadhan, oo dhinac amnigu ugu muhiimsan yahay.

Halkan Ka Daawo Barnaamij Laga Diyaariyay Waxyaabihii Ka Qabsoomay Gobolka Sool Sanadkii 2019-kii:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here