Taliye Nuux Taani Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Puntland

0
500

Hargaysa (HP): Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland Generaal Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay taliyaha ciidamadda maamul goboleedka Puntland.
Kaasoo ku baaqay in ay dagaal ku soo qaadayaan degaamo ka tirsan gobolka Sool, kadib markii ay ciidamadda qaranka janhuuriyadda Somaliland todobaadkii hore la wareegeen deegaanka Boocame, oo ka tirsan gobolka Sool.
Generaal Nuux Ismaaciil Taani, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in taliyaha ciidamadda maamul goboleedka Puntland uu ku hanjabay dagaal, hase yeeshee qy Somaliland taqaano sida loo dagaalamo, iyo sida looga midho dhaliyo dagaalka.
Taliye Taani, ayaa uga digay maamulka Puntland in haddii ay isku dayaan dagaal in Somaliland ciidamadeedu qy ka jawaabi doonaan.

DAAWO: Jawaabta Taliye Nuux Taani:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY