Gabiley: Shirkii Tol-mideeye Ee Beesha Xareed Barre Oo La Soo Gebagabeeyay+Sawirro

0
307

Ceel-Bardaale (HP): Waxaa deegaanka Ceel-bardaale ee galbeedka gobolka Gabiley lagu soo geba gabeeyay shir muddo saddex maalmood ah uga socday beesha Xarreed Barre, oo ka mida beelaha dega gobolka Gabiley.
Shirkaasi oo loo magac bixiyay Tol-mideeye, kaasoo Arbacadii todobaadii todobaadkii hore ka furmay degaanka Ceel-bardaale, ayaa Jimcihii shalay la soo gebagabeeyay.


Waxaana intii shirkaasi uu socday lagu falan qeeyay arrimo khuseeyay danaha beeaha Xareed Barre, iyadoona halkaasi lagu gaadhay heshiis buuxa iyo turxaan bixinta xurgufo u dhexeeyay siyaasiyiinta, iyo madax dhaqameedka beesha.
Shirkaasi waxaa furitaankiisii iyo xidhitaankiisiiba ka soo qayb galay maamulka gobka Gabiley, ka degmadda Gabiley, xildhibaano, madax dhaqameed, siyaasiyiin, odayaal, ganacsato, waxgarad, haween, dhalinyaro, iyo marti sharaf kaloo badan.

U jeedadda shirkaasi wayaa maalintii furitaanka faahfaahin ka bixiyay xildhibaan Yaxye C/laahi Aamin (Arrarse), oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah xildhibaanka beesha Xareed Barre, ku metela golaha Wakiiladsa Somaliland.
Waxaanu sheegay xildhibaan Arraarse, in shirkaasi uu yahay shir dhaqan, isla markaana ay beesha Xareed Barre, aayaheedda kaga tashanayso.


Xildhibaan Yaxye, ayaa tilmaamay in sidoo kale shirku uu yahay mid lagu dhisayo arrimaha horumarka jamhuuriyadda Somaliland, balse aanu ahayn mid lagu waxyeelaynayo Somaliland.
DAAWO: Xildhibaan Araarse Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

Geesta kale badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo isna furitaankii iyo xidhitaankii shirkaasi ka qayb galay ayaa soo dhaweeyay shirka Tol-mideeye ee qy qabsatay beesha Xareed Barre.

Waxaanu sheegay badhasaabku in loo baahan yahay shirarka noocaas ah ee ay beeluhu danahoodda kaga arrinsanayaan.
C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa si weyn u bogaadiyay xildhibaan Yaxye Arraarse, oo qabsoomida iyo qaban qaabadsa shirkaasi kaalin weyn ka qaatay.
Waxaanu ugu baaqay xildhibaanada kale ee golaha Wakiiladda Somaliland in ay sida xildhibaan Arraarse, uu beeshiisa isugu keenay ee uu u mideeyay, ay iyaguna u mideeyaan.

DAAWO: Hadalkii Badhasaabka Gabiley:

Dhinaca kale waxaa xidhitaankii shirkaasi hadalo ka jeediyay xubno isugu jiray madax dhaqameed, salaadiin, odayaal, waygarad, iyo aqoon yahano kala duwan.

Kuwaasoo dhamaantoodba si weyn u soo dhaweeyay qabsoomida shirkaasi, iyo sidoo kale inuu si nabad ah iyo is af-garad ay beeshu gaadhay uu ku soo dhamaaday.


Shirkan ayaa noqonaya kii koowaad oo ay muddo 20 sanadood ka badan yeelato beesha Xareed Barre, isla markaana ay si buuxda uga soo wada qayb galeen dhamaanba jifooyinka hoose ee beeshaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here