Daawo Muuqaal: Sucuudiga oo Ka Hadlay kaalintii ay ka qaateen Taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

0
695

HARGEISA , (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL  Sh Khaliil Cabdilaahi  Axmed iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgalay munaasabad ay gudiga abaaraha ee heer Qaran ku soo gebagebaynayeen qaybintii caawimadii Boqortooyada Sucuudigu soo gaadhsiiyeen Somaliland, gaar ahaan tii Gobolka Maroodijeex.

 

Munaasabadaasi oo ka dhacday Xafiiska Gobolka Maroodijeex oo ay goobjoog ka ahaayen madaxada hay’ada gargaarka sucuudiga, hay’adihii samafalka wadaniga ah ee qaybinta gargaarka ka qayb qaatay iyo maareeyaha xafiiska samafalka Somaliland ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Md, Maxamed Maxamuud Cali jeeniyare.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

 

 

 

 

Waxa kale oo munaasabadaa ka hadlay Sacad Al-Muhanad Al-Suweydi, wakiilka hay’adda taakulaynta Shacabka Somaliland waxana uu uga mahadnaqay gudoonka gobolka Maroodijeex taakuladii farsamo iyo fududayntii shaqo ee ay ka gaysteen qaybinta gargaarkaasi oo uu ku sheegay inuu ku yimid baaqii xukuumada S/land u jeedisay beesha caalamka iyo amarkii Boqorka Sucuudiga eek u saabsanaa taakulada Boqortooyadu ka gaysanayso abaaraha saameeyey mandaqadda ay Somaliland ka mid tahay.

 

 

Dhankiisana wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta oo ka id ah gudiga abaaraha ee heer qaran ayaa waxa uu faahfaahiyey sidii ay gobolka Maroodijeex  uga dhacday qaybintii gargaarka sucuudiga waxana uu uga mahadnaqay Boqortooyada sucuudiga gargaarkaasi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here