Daawo Muuqaal: Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Xarun Loo Binaynayo Wasaaradda Biyaha + SAWIRRO

0
898

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta dhagax dhigay xarun loo dhisayo wasaaradda biyaha ee Somaliland. Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, agaasimaha wasaaradda biyaha Cabdirisaaq Jaamac iyo mulkiilaha shirkadda dhisaysa xarunta Eng Cali Cumar ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa dhagax dhigaasi.

dhagax 4

 

 

 

Xaruntan ayay dhismaheeda ka guulaysatay shirkadda dhismaha Albaraka, waxa sidoo kale dejisay nashqadeeda shirkadda wadaniga ah ee Rio Art, waxaana lacagta ku baxaysa laga bixin doonaa khasnadda dawladda Somaliland. Xarunta wasaaradda biyaha ayaa laga dhisayaa degmada Axmed Dhagax, meel u dhaw wasaaradda hawlaha guud.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici
Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa xisbiga Muuse Biixi, ayaa sheegay in baryahan xukumaddu ku hawlanayd dhisidda xarumo dawladeed oo bilic leh, balse loo baahan yahay in xarumahaasi noqdaan xarumo bulshada loogu qabto adeegyo tayo leh. Waxa uu sidoo kale wasaaradda biyaha u soo jeediyay in dalka badankiisu biyo la’yahay, sidaasi darteedna dadaal looga fadhiyo.

dhagax 5

 

 

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa isna madasha ka sheegay inay ku faraxsan yihiin in dawladda Somaliland bixinayso kharashka wasaaradda lagu dhisaayo. Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo heli lahaa xarumo ku haboon adeegyada dalka loo qabanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here