Daawo Muuqaal: Wajaale Oo Lagu Xidhay Masuuliyiin iyo Ganacsade

0
802

Wajaale, (HargeisaPress) —  Guddoomiyaha degmada Wajaale, ayaa xabsiga dhigay masuuliyiinta degmadaasi u qaabilsan dhulka iyo ganacsade degmadaasi ah. Ma jiro war rasmi ah oo masuuliyiinta degmada Wajaale ka soo saareen arrintan balse xogaha laga helayo ayaa sheegay in madaxa dhulka ee dawladda hoose lagu haysto dhul waddo ah oo uu bixiyay.

 

Sidoo kalena waxaa xidhan ganacsadaha dhulkaasi lagu wareejiyay oo loo haysto inuu wado xidhay, iyadoo degmadaasi la sheegayo inay baahi u qabto jidadka maadaama ay inta badan waddooyinku yihiin kuwo cidhiidhi ah una baahan in waddooyin qorshaysan laga saaro.

 

Guddoomiyaha degmada Wajaale ayaan wali bulshada u sheegin baaxadda dambiga loo haysto masuuliyiinta arrimaha dhulka u qaabilsan degmada, iyadoo guud ahaan Somaliland ay ka jirto in si aan shuruucda waafaqsanayn loo bixiyo hantida umadda ka dhexaysa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here