Dad ka badan 100 qof Oo lagu dilay Magaalada Paris & Tiro Afduub loo haysto + SAWIRRO

0
1094
Football fans leave the Stade de France stadium following the friendly football match between France and Germany in Saint-Denis, north of Paris, on November 13, 2015, after a series of gun attacks occurred across Paris as well as explosions outside the national stadium where France was hosting Germany. Franck Fife / AFP / Getty Images

PARIS France, (HargeisaPress) — Ugu yaraan 100 Qof ayaa ku dhintay weerarro is xigxigay oo ka dhacay Caasimadda Faransiiska ee Paris ka dib markii ay caawa saacadihii danbe rag hubaysani ay rasaas iyo qaraxyo ku weerareen Goob uu Madaxweynaha Faransiisku Ciyaar ku daawanayey iyo goobo kale.

togashada

Weerarka is xigxigay qaraxyo ayaa laga maqlay laba goobood oo ku yaalla Waqooyi-Beri ee Caasimadda Paris. Qarax kale waxaa laga maqlay Garoonka Ciyaaraha ee the Stade de France ee magaaladaas, waxaanay Kooxdaasi Afduub u haystaan dad la sheegay inay boqol qof ka badan yihiin, halka dhaawac badan oo aan la xaqiijina jiro.

French fire brigade members aid an injured individual near the Bataclan concert hall following fatal shootings in Paris, France, November 13, 2015. At least 30 people were killed in attacks in Paris and a hostage situation was under way at a concert hall in the French capital, French media reported on Friday. Christian Hartmann / Reuters

Madaxweynaha Faransiiska Mr. Hollande, ayaa halkaas ku daawanayay ciyaar dhax-maraysay Kooxda Qaranka iyo Koox ka socoto dalka Jarmalka. Goob lagu caweeyo ayaa la sheegay in dablay ay ku haystaan illaa iyo 100 Qof, halkaasoo ay Ciidammada gaarka u tabobbarani gaadheen.

A man lies on the ground as French police check his identity near the Bataclan concert hall following fatal shootings in Paris. The man was later released after his identity was verified. Christian Hartmann / Reuters

Sawir qaade katirsan BBC-da oo joogay goobtaasi ayaa sheegay in uu arkay Meydadka illaa iyo 100 qof. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska oo halkaas Ciyaar ku daawanayey aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin weerarradaas oo ay iyagoo nabad qaba halkaas laga saaaray.

tooshada baris

Weerarrada ayaa lagu soo warramayaa inay ka fuliyeen Caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris, innay fuliyeen dagaalyahanno tiradoodu lix ka badan tahay. Dadka inta badan waxa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen Rasaas ay kooxdaas weerarka fulisay ridayeen, waxaana marba marka dambaysa sii kordhaya tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarradaas oo caawa dhacay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here