Yagoori (HP): Garaad Jaamac garaad Ismaaciil, oo ah garaadka guud ee beelaha Dhulbahante ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xidhitaanka shirkii nabadeed ee lagu dhex dhexaadinayay laba beelood degmadda Yagoori, ee gobolka Sool.
Shirkaasi nabadaynta beelaha oo mudooyinkan ba ka socday degmadda Yagoori, ee gobolka Sool ayaa la soo geba gabeeyay, iyadoona heshiis lagu dhex dhigay labadii beelood ee hore shaqaaqadu u dhex martay.
Labadda beelood ee la heshiisiinayay ayaa horaantii sanadkan ku dagaalamay degaanka Dhabar-dalool, ee isla gobolka Sool, dagaalkaasi oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Garaad Jaamac garaad Ismaaciil, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka shirkaasi ayaa labadda beelood waxgaradkoodda kula dar-daarmay in ay nabad geliyadda ilaaliyaan, isla markaana si walaaltinimo ah degaankaasi ugu wada noolaadaan.
DAAWO: Hadalkii Garaad Jaamac:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.