Gabiley: Shacabka Kalabaydh Oo Ka Mudaharaaday Miisaanka Cusub Ee Qaadka

0
434

Kalabaydh (HP): Shacabka ku nool magaaladda Kalabaydh ee gobolka Gabiley ayaa si weyn uga soo hor jeestay qorshe ay wasaaradda maaliyadda Somaliland Miisaan Qaadka lagu miisaamo ku keenayso kastamka magaaladaasi.
Miisaankaasi oo loogu tallo galay in lagu miisaamo Qaadka soo mara kastamka Kalabaydh ayaa la sheegay in ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana la doonayo in lagu bedelo shaqaalihii Xamaaliinta.
Tallaabadaasi oo ay si weyn cabasho xoogan uga muujiyeen shaqaalaha xamaaliintu ayaa ku dooday in ay Miisaankaasi uu meesha ka saarayo shaqadoodii, isla markaana qoysas badan ay saamayn ku keenayso.
Shacab weynaha magaaladda Kalabaydh ayaana maanta dhigay mudaharaad ay Miisaankaasi kaga soo hor jeedaan, kuwaasoo xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaarada maaliyadd aka dalbaday in ay Miisaankaasi joojiso.
Dadweynaha mudaharaadka dhigayay ayaa jidadka soo gala iyo kuwa ka baxa magaaladda Kalabaydh waxay ku gubeen Taayir, iyagoona xidhay jidadka magaaladda.
Waxaanay dadweynahaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay u diidan yihiin keenista miisaankaasi oo ay u arkaan inuu dhibaato ku yahay noloshoodda.

DAAWO: Warkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here