DAAWO: Daah-furtay Buugga Waxqabadka Xukuumadda Ee Sanadkii 2021-kii

0
588

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay huteelka Guuleed ee magaaladda Hargaysa ku soo bandhigtay waxqabadkeedda sanadkii tegay ee 2021-ka.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay bandhiga buuga waxqabadka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland.
Agaasimaha madaxtooyadda Somaliland, agaasimeyaal guud, maareeyeyaal iyo guddoomiyeyaasha haayadaha dawladda, masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, iyo marti sharaf kale.
Waxaana xafladaasi lagu soo bandhigay muuqaallo laga soo diyaariyay mashaariicda kala duwan ee ay xukuumadu ka fulisay guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi laga jeediyay khudbado la xidhiidha mashaariicaha ay xukuumadu dalka ka fulisay sanadkii tegay ee 2021-kii.

DAAWO: Bandhigaasi iyo Khudbadihii Laga Jeediyay iyo Muuqaaladii Lagu Soo Bandhigay:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here