Madaxweyne Biixi Oo Cusbitaalka Ku Booqday Suldaanka Subeer Awal Oo Xanuunsanaya

0
581

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka booqday Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, oo xaalad Caafimaad u jiifa Cusbitaalka Haldoor ee Magaalada Hargaysa.


Madaxweynaha ayaa Suldaanka iyo Guud ahaan Bulshada Somaliland ee Xanuunada u jiifa ugu duceeyey Caafimaad qab.
Waxaana madaxweynaha booqashadaasi ku wehelinayay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, xubno wasiirro ah, iyo masuuliyiin kale.
Geesta kale Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, ayaa habeen hore xaalad caafimaad darro loo jiifiyay cusbitaalka Hal Door ee magaaladda Hargaysa.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here