D/Hoose Ee Laascaanood Oo Fulisay Olole Qashinka Lagaga Gurayo Toga Farxaskule

0
300

Laascaanood (HP): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa saaka fulisay hawl-gal Qashinka lagaga gurayo Toga Farxaskule ee magaaladda Laascaanood.


Waxaana ololahaasi Qashin nadiifinta ah hogaaminayay Maayar ku-xigeenka degmada Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-kowte).
Iyadoona ay ku wehelinayeen agaasimaha Arrimaha Bulshada ee dawladda hoose ee Laascaanood Jaamac Cali Xaashi, xubno ka mid ah golaha deegaanka Lascaanood, iyo masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha dawladda hoose ee Laascaanood.


Maayarka degmada Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar, oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshadda magaaladda ugu baaqay in ay kala qayb qaataan ololaha nadaafadeed ee ay dawladda hoose ka waddo xaafadaha magaaladaasi.

DAAWO: Ololaha Nadaafadeed ee Dawladda Hoose Ee Laascaanood:

Dhinaca kale Kal-fadhigii Afraad ee golaha Deegaanka Degmada Laascanood ayaa shalay ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood.


Waxaana fadhigaasi shir guddoominayay maayarka Degmadda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, oo uu wehelinayay maayar ku-xigeenka Axmed Kowte, iyo Xoghayaha fulinta dawlada hooseC/iraxmaan Khadar Gaas.
Iyadoona fadhigaasi shalay ka soo xaadireen dhamaan ba xilibaanadda golaha deegaanka Laascaanood.


Shirkaasi oo la qorsheeyay inuu socdo muddo saddex maalmood ah ayaa lagaga arrinsanayaa qorsheyaasha ay dawladda hoose ee Laascaanood ku hawl gelayso sanadka cusub ee 2022-ka, iyo hormarka magaaladda Laascaanood.

DAAWO: Fadhigii Shalay Ee Golaha Deegaanka Laascaanood:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here