D/Hoose Ee Ceerigaabo Oo Bilawday Dhismaha Waddo Cusub Oo Laami ah

0
178

Ceerigaabo (HP): Dawladda hoose ee dgmada Ceerigaabo, oo maalmahan ba ku hawlanayd hirgelinta Waddooyin cusub ayaa maanta bilawday dhismaha Waddo cusub oo Laami ah.

Jidkan cusub oo ku yaalla xaafaddo suuqa 7-aad loo yaqaano ee magaaladda Ceerigaabo, kaasoo oo ah suuq muhiimad weyn u leh magaaladda.

Suuqaasi ayaa loo arkaa mid qadiim u ah isku socodka bulshadda, iyo gaadiidka ee gudaha magaaladda, isla markaana wuxuu ka mid ah meelihii ay magaaladu ka aasaasantay bilawgii magaalaynta.

Sida uu sheegay Eng. C/raxmaan Cismaan, oo ah Injiineerka gacanta ku haya dhismaha jidkaasi oo ka warbixinayay Waddadan cusub ee ay bilaabeen.

Waxaanu tilmaamay Eng. C/raxmaan, in jidkani uu qayb ka yahay Waddo dhererkeedu dhan yahay 3KM oo ay qorshaysay dawladda hoose ee Ceerigaabo in ay sanadkan gudaha magaaladda ka hirgeliso.

Eng. C/raxmaan Cismaan, waxa kaloo uu sheegay in jidkani uu yahay mid hal-bawle ah, isla markaana isticmaalkiisu ay muhiim u tahay bulshadda magaaladda Ceerigaabo.
Geesta kale Eng. C/raxmaan, waxa uu fariin u diray bulshadda ku nool magaaladda Ceerigaabo, oo uu ugu baaqay in ay iyagu na qaybtoodda ka qaataan qurxinta, iyo kor u qaadista jilicda magaaladda.

DAAWO: D/Hoose ee Ceerigaabo oo bilawda dhismaha Waddo cusub

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here