CUGASHADA GURACAN & SOOYAALKII SEED: Qaybtii 9 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
1103

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

  1. Astaamaha Burburka:

Akhristeyaal, astaamaha gurracan ee hadda ka muuqda hab dhaqanka siyaasadda iyo hanaanka wadda shaqaynta xisbiga Waddani, waa mid nasiib daro ah. Bal u fiirso waxa la yidhi xisbigu wuxuu leeyahay guddoomiye iyo ku simaha guddoomiyaha oo ah xil jiraya haddii uu guddoomiyuhu jooggo iyo haddii uu  maqan yahay ba.

 

Waa yaab eh, waa maxay u sime?. Runtii ujeedka laga leeyahay ku sime sidda ku simaha madaxwaynaha, ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka, ku simaha raysal wasaaraha, ku simaha guddoomiyaha xisbiga iwm, waa mid kooban oo ah in xilka lagu sii simo masuulka shaqada ka maqan. Marka uu masuulku soo noqdana halkaa ayay ku  ekaataa oo muran kama joogo.

 

Sababtuna waa in la ilaaliyo nidaamka iyo kala danbeynta anshaxa hab maamuuska qarannimo, dawladnimo iyo xisbinimo. Si looga hortago is garab yaac iyo nidaam xumo dalka & dadka ku yimaada. Waayo dalku ma wadda yeelan karo madaxwayne iyo ku sumaha madaxwaynaha oo joogto ah. Balse wuxuu yeelan kara ku sumaha madaxwaynaha marka madaxwaynuhu meel aaddo amma xaalado jira darteed shaqada u gudan kari waayo.

 

Sidoo kale asxaabta qarankuna waa la mid oo ma wadda yeelan karaan guddoomiye iyo ku sime guddoomiye oo joogto ah, balse ku sime guddoomiye waxay yeelan karaan kaliya  marka ay timaaddo xaalad shaqada guddoomiyaha banaysa.  Marka la eego nidaamka dawladnimo iyo xisbinimo ee dalkeenu ku dhaqmo, waxa ku simaha madaxwaynaha noqon kara ku xigeenka madaxwaynaha , sidoo kalena waxa ku simaha guddoomiyaha xisbiga noqon kara ku xigeenka guddoomiyaha.

 

Taasina waxa inoo jidaynaya dastuurka qaranka iyo xeerarka ka dheegmay oo isaga waafaqsan, wixii ka horjeedana waxa loo aqoonsan yahay waxba kama jiraan. Sidaa darteed waxa waxba kama jiraan ah jiritaanka hoggaamiyaha xisbiga iyo  ku simaha guddoomiyaha xisbiga.

 

Hadaba, waa maxay dheehashada qaab-dhismeedka xisbiga Waddani hadda la soo baxay?. Maxay daran tahay oo ujeedkeedu yahay?. Maxaa laga dhaxli kara cawaaqib xumo siyaasadeed?. Maxaase barito laga filan karaa?.

 

Ugu horrayn haddii aan isku dayo ka jawaabida waydiimaha sare ku xusan, aniga oo badh idiin reebaya. Runtii waxaan u arkaa in qaab-dhismeedka gurracan ee xisbiga Waddani hadda u dhurtay iyo wadiiqada leexsan ee uu qaaday inay ka dhalan karto cawaaqib xumo siyaasadeed iyo guuldaro hor leh. Kuwaasi oo aan ku  kaabi karo   qodobadan soo socda:

 

  • Kala socod iyo isla jaanqaad la’aan hoos u dhigta amma wiiqda hanaanka wadda shaqaynta, kala danbeynta shaqada iyo hab maamuuska madaxda xisbiga.
  • Kala shaki iyo aamin daro shacabka ku dhasha, waayo Nimanka xisbi mucaarid ah nidaamka iyo hanaanka xisbinimo u dhawri waayay ee sharciga qaranka u jabiyay cod raadis darteed, ciddina ka yeeli mayso in ay ilaalin doonaan nidaamka dawladnimada.
  • Kala yaac iyo Burbur xisbinimo oo soo kooba cimriga xisbiga Waddani.

 

Dhinaca kale, haddiiba ay jalaafada iyo jabinta shuruucda dalka ku kasbadaan taageerada shacab jibaysan oo ay hantaan ammaanada ummadda. Waxa la filan kara hadardaamo siyaasadeed oo ku habsata dalka iyo dadka masaakiinta ah. Marka laga qiyaas qaato taallada taariikhda hoggaamiyaha & taaganta siyaasadda xisbiga Waddani. Waxaana arrimahaasi  lagu soo ururin karaa qodobadan soo socda:

  • In la sameeyo ku simaha madaxwaynaha, madaxwaynaha oo dalka jooga.
  • In madaxwayne ku xigeen, ku sime madaxwayne noqon waayo.
  • In la tixgalin waayo nidaamka iyo hab maamuuska madaxda qaranka.
  • In la sameeyo ku simaha guud golaha wasiirradda.
  • In wasaarad kasta laga sameeyo xil ku sime wasiir aan abid dhicin.
  • In wasiir ku xigeenku noqon waayo ku simaha wasiirka.
  • In wasaarad kasta loo magacaabo Ku sime agaasime guud & ku simeyaasha agaasime waaxeedyada wasaaradda. Iwm.

 

  1. Sad-bursiga xilalka xisbiga:

Waxa la yaab ah, in madaxda xisbiga Waddani, siiba guddoomiye Cirro uu ka hadlo sad-bursiga dawladnimada dalka ka jira iyo qalooca qarannimada ragaadiyay, sheegana in uu yahay nin arrimaha kan sixi kara. Isaga oo sad-bursigii ugu waynaa abid ee S/land lagu arko ka sameeyay xisbigiisa Waddani.

 

Saaxiibbayaal si  ay arrintaasi inoogu caddaato, bal ila dhugta tusaalahan kooban iyo jaantuskan soo socda. Kaasi oo si waadixa u  muujinaya sad-bursi caqli galnimada ka fog oo hadda ka jira xil haynta guddaha xisbiga Wddani. Hadaba, halkan hoose ka akhri masuuliyiinta xilalka la yaqaan ka haya xisbiga Waddani ee hayb wadaagta la ah guddoomiye Cirro:

 

 Lr Magaca Xilka
01 Abdirahman Cirro Gudomiyaha xisbiga Waddani
02 Osman Afgaab Guddoomiyaha golaha dhexe
03 Fagfagaash Xoghayaha Maaliyadda
04 Ismahaan Mohamed  Hashi Agaasimaha xarunta dhexe ee xisbiga Waddani
05 Dr. Fadal Xoghayaha arrimaha dibedda
06 Abdilahi Daamur Xoghayaha xidhiidhka gobaladda
07 Hassan Ahmed Muse Xoghayaha xanaanada xoolaha
08 Cali Cabdilaahi Dagaal Xoghayaha dhaqanka
09 Xil: Mohamed Wali Ali Hassan Xoghayaha shaqada & arrimaha bulshada
10 Mohamed Hasan Dirir Xoghayaha gaarka ah
11 Abdirashiid Jeeni Ku xigeenka xoghayaha warfaafinta
12 Golaha dhexe 74.1% waxay ka yimaadeed xaafada guddoomiye Cirro
 Ka cuddur-daarasho: Gudiga Fulinta ma helin Tiro iyo Saami Sugan # 17
13 Guddiga fulinta, tiradu iima sugmin. Balse balafta xanta siyaasaddu waxay ii sheegtay in loo kala fadhiyo si la mid ah saamiga golaha dhexe 
 Ka cuddur-daarasho: Qodabada #18 & #19 Ma helin Magacyadda iyo Tirada
14 Musdanbeedka reeraysan oo ah koox xildhibaano ah, xubno ka tirsanaa wasiiradii hore ee Rayaale Kaahin iyo Dr. Ahmed Silaanyo oo hayb la wadaagga Cirro
15  Wiilasha idman Waa dhalinyaro an xil ka hayn xisbiga, hadana cid walba ka awood badan, waxayna ka soo jeedaan qoyska Cirro
Ka cuddur-daarasho: Magacyadda masuuliyiinta hoos ku xusan oo aan helin
16 Guddoomiyaha Qaarada yurub ee xisbiga Waddani
17 Guddoomiyaha woqooyiga America ee xisbiga Waddani
18 Ku xigeenka guddoomiyaha dalka Sweden ee xisbiga Waddani
19 Guddoomiyaha dalka Finland ee xisbiga Waddani
20 Guddoomiyaha dalka Norway ee xisbiga Waddani
21 Guddoomiyaha dalka Denmark ee xisbiga Waddani
22 Guddoomiyaha dalka Germany  ee xisbiga Waddani
23 Guddoomiyaha gobalka Togdheer ee xisbiga waddani   
24 Guddoomiyaha gobalka  Sanaag ee xisbiga waddani    
25 Guddoomiyaha gobalka Saaxil ee xisbiga Waddani “Bedel dhawaan”

 

Saaxiibbayaal, waxaan aaminsan nahay in xogtani tahay mid aad u kooban marka loo eego qalooca iyo sed-bursiga xadhkaha goostay ee xisbiga Waddani. Sidaa darteed wixii intaa dheer waa xaggiina….

 

La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo.

 

By: Jamal A. Muse                                                                                                                                     
dankaabo@hotmail.co.uk/ jamalabdiya@gmail.com /hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here