CUGASHADA GURACAN & SOOYAALKII SEED: Qaybtii 5 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
1377

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

Sidoo kale, Gudoomiye Abdirahman Cirro,  kama qayb-qaadan dagaalkii jabhadii SNM la gashay dawladdii Maxamed Siyaasad Barre, sida looga qaateen ku yidhi xata mid diblamaasiyadeed kama qayb-qaadan. Sidoo kale Abdirahman Cirro kamuu mid ahayn siyaasiyiintii, aqoonyahankii iyo odayaashii dib hashiisiinta ka qayb-qaatay, ee dhidibada Somaliland u taagay, sida shirarkii Burco, Boorama iyo gobolada kale. Tani wuxuu kaga duwan yahay musharaxa xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu intaba qayb hormoodnimada ah ka soo qaatay.

 

Abdirahman Cirro, wuxu lahaa/leeyahay saaxiibo siyaasadeed oo u galay abaal siyaasadeed  iyo saaxiibo shaqo oo dhammaantood dagaal gacan ka hadal ah iyo jalaafo siyaasadeed dhexmartay sidda Faysal Cali Waraabe oo sheegay in aanu ka helin abaalkii uu u galay markii loo tartamayay doorashaddii guddoomiyaha golaha wakillada ee dhacday 29 November 2005-tii. Isaga oo si cad u tilmaamay  in uu kaalin wayn ku lahaa hanashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka maaddaama oo uu ahaa”yahay” guddoomiyaha xisbiga UICD oo uu Cirro na xubin muhiim ah ka ahaa.

 

Mudane Faysal wuxu abaal la’aan ku tilmaamay khilaafkii xisbiga UCID labada qaybood u qaybiyay oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiye  Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye Abdirahman Cirro. Waxa dad badani dhaliilaan, wadda shaqayntii uu la kala lahaa dawladdii Madaxwayne Rayaale iyo mucaaridkii xiligaa dalka ugu waynaa ee Kulmiye oo mid waliba dhankiisa ka tirsan jiray. Balse looga qaateen ku xusay in uu si xeeladaysan ugu muujin jiray taageero madaxwayne Rayaale, hoostana ka maleegi jiray dabino siyaasadeed oo aakhirkii keenay in xisbigii UDUB, laga guulaysto.

 

Dadka guddoomiye Abdirahman Cirro ay mudda dheer soo wadda shaqeeyeen waxa ka mid ah shirgudoonka wakiiladda, oo in badan aynu maqalay iyaga oo is haysta oo arrimaha khilaafka  ay dejinayaan shirgudoonka golaha guurtida, xildhibaanada golaha guurtida ka mid ah, wasiirro iyo madaxda sare ee qaranka. Taasi oo aakhirkii gaadhay in 15 september 2015-kii, isaga iyo guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee golaha wakiiladda Mudane Baashe M.Farah ay isku dhex feedhaan madasha shirka. Isaga oo guddoomiye Cirro huwan masuuliyad qaran oo leh maamuuska darajada sadexaad ee dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa la sheegaa xiligii la galayay doorashada goleyaaasha deegaanka dalka ee ururada siyaasaddu u tartamayeen  xisbinimo qaran in uu xidhiidh wanaagsan oo muxaafid uu la lahaa dawladda madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo hoggaamiyo. Taasi oo aad uga caawisay in ururkii waddani u soo gudbo xisbinimo qaran maaddaama loo arkaayay in degan oo aan xaalad abuur ahayn. Balse aakhirkii  arrimaha wax wayni iska bedeleen.

 

Qaliinnada qarsoon iyo jalaafada daahanta u ahaa ee duug-reebka taariikhda siyaasada u galay Mudane Abdirahman Mohamed Abdilahi Cirro, waxaa ka mid ah kan hadda dhacay ee 22 October 2016 ka uu ku khaarajiyay halyaygii ku suntanaa xisbi noqoshadda xisbiga Waddani, mudane Ahmed Mumin Seed.

 

Hadaba, maxay tahay sifeynta dhaqan siyaasadeedka hoggaamiye Cirro?, maaddaama oo uu aakhirkii qaniinnay masuul kasta oo ay dhex mareen danno siyaasadeed, oo qayb wayn ka qaatay dhismaha xisbiga amma qaranka.  La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo.

 

By: Jamal A. Muse dankaabo@hotmail.co.uk

Hargeisa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here