Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Oo Abaal Marino Guddoonsiiyey Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Sannadkii Tegay Ee 2020

0
630

Hargeysa,(HargeisaPress)–Guddida Koomiishanka Xuquuqal Insaanka  Somaliland ayaa abaalmarino kala duwan guddoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii tegay ee 2020-kii shaqaalaha Koomiishankaasi.

Shaqaalahan oo muujiyey sannadkii ina dhaafay dedaalo iyo shaqo wanaag ayaa munaasibad balaadhan oo ay Masuuliyiinta Koomiishanku kasoo qayb galeen lagu guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan , waxaana munaasibadaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland ,Guddoomiye ku xigeenka ,Agaasimaha  iyo xubno kamid ah Guddida Koomiishanka  Xuquuqal Insaanka Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Cabdisamad Sacad oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada munaasibadaas, waxaanu tilmaamay in ujeedada munaasibadani ahayd in la abaal mariyo shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii tegay ee 2020 iyo sidoo kalena kala qaadashada qorsheyaasha Koomiishanka  ee sannadkan aynu ku jirno ee 2021 uu ku shaqayn doono Koomiishanku.

Koomishaneer Cumar iyo Koomiishaneer Rooda oo iyaguna kamid ah Guddida Koomiishanka  Xuquuqal Insaanka Somaliland oo goobtaas ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey shaqaalihii la abaalmariyey dedaaladii ay sameeyeen, iyaga oo shaqaalaha kalena ku booriyey in ay ku daydaan shaqaalahaas la abaal mariyey.

Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Weris Abshir Diiriye oo ah guddoomiye ku xigeenka Koomiishanka  Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland, waxaanay shaqaalahan abaalmarinaha la guddoonsiiyey ugu hambalyeysay shaqo hufnaanta ay muujiyeen sannadkii tegay, waxaanay tilmaantay in abaal marintani ay tahay dhiirigelin, la dhiirigelinaayo shaqaalaha dedaaley, iyada oo shaqaalaha kale ee Koomiishankana usoo jeedisay in ay dedaalkooda sii kordhiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here