Ciqaabta Ay Mutaysan Karaan Cidda Xaalad-abuur Ku Samaysa Baadhisaha Musuqmaasuqa iyo Hanti-lunsiga

0
1193

Wax ka ogoow Xeerka La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xeer No. 38/007 + ciqaabta la marinayo ganacsatada samaysa khiyaamada iyo kootarabaanka

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Xeerka Ka hortagga ku Takrifalka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xeer No. 38/007 oo uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin digreeto Madaxweyne ku dhaqan-geliyey taariikhdu markii ay ahayd 31 December 2007-kii.

Kadib markii ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen, waxa uu ka kooban yahay 12 qodob oo si faahfaahsan u waajibinaya ciqaabaha kala duwan ee ay mutaysan karaan  madaxda sare iyo saraakiisha dowladda ee ku kaca falal la xidhiidha musuqmaasuq, eex, xatooyo, laaluush iyo been-abuur.

Iyadoo ujeedada xeerkani tahay sidii loola dagaalami lahaa musuqmaasuqa, isla markaana looga hortegi lahaa in wax tagri-fal ah lagu sameeyo hantida qaranka Somaliland.

Xeer-ilaaliyaha Guud Md. Xasan Axmed Aadan uu toddobaadkan shaaciyey in xafiiskooda loo soo gudbiyey eedaymo musuqmaasuq oo ka dhan ah Masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Somaliland, isagoo caddeeyey in Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku dacwaddaas eedaynta ah uu u soo gudbiyey xafiiska Xeer-ilaalinta, waxaannu iftiimiyey inay dacwaddaas loo cuskan doono Xeerka Ka-hortagga Ku-tagri-falka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xeer Lr. 38/007.

Hadda, waxa uu wargeyska Jamhuuriya uu caddadkiisii hore ee soo baxay maalintii Salaasada ku baahiyey toddobada qodob ee u horeeyey xeerkan, waxaannu mar kale halkan ugu soo gudbinayaa akhristayaasha iyo bulshada reer Somaliland faahfaahinta qaybta labaad ee xeerkan, kana bilaabaysa qodobka 8-aad ee Xeerka Ka-hortagga Ku-tagri-falka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa, kaasoo u dhigan sidan;

Qodobka 8-aad

Dayacaad Masuuliyad Qaran

  1. Sarkaal kasta ama u xilsaarane masuuliyad qaran oo lacag ama dheef kale ku hela ama aqbala ballanqaad oo dayaca shaqo xafiiskiisa ah oo socotay ama ku kaca shaqo khilaafsan waajibaadka xafiiskiisa, si ay dantiisa gaar ahaaneed u fusho waxa uu mutaysanayaa ciqaabahan:-

(b)- Xadhig dhan 2 (Laba) sanno ilaa 5 (Shan) sanno.

(t)- Ganaax dhan 3,000,000/= ilaa 20,000,000/= (saddex milyan ilaa labaatan milyan oo Somaliland shillin ah).

(j)- Haddii uu ganaaxa bixin waayo waxa loogu beddelayaa xadhig.

 

Qodobka 9aad

Kootarabaan/Khiyaamo

  1. Ganacsade kasta oo badeecad aan cashuurneyn dalka gudihiisa soo geliya tab iyo xeel kasta ha isticmaale, oo la qabto waxay ciqaabtiisu noqoneysaa:-

(b)- Badeecadda aan cashuurneyn ee la qabtay oo dhammanteed ay dowladdu la wareegto.

(t)- Ruqsadda ganacsi oo laga laalo muddo hal sanno ah.

(j)- Xadhig u dhexeeya 6 bilood ilaa 1 sanno.

(x)- Ganaax dhan Somaliland shillin ah 5,000,000/= ilaa 10,000,000/=. (shan milyan ilaa toban milyan oo Somaliland shillin ah)

(Kh)- Ganaaxa ku xusan farqadda (b) ee isla qodobkan waxa loo kala qaybinayaa sidatan:-

  • 60% (Boqolkiiba Lixdan) waxa lagu shubaya khasnadda dowladda.
  • 40% (Boqolkiiba Afartan) waxa lagu abaal-marinayaa hay’adihii ka hawlgalay, sida Booliska, Xeer-ilaalinta, Shaqaalaha Maxkamadda iwm.
  1. Ganacsade kasta oo khiyaameeya saraakiisha cashuuraha ama been ka sheega nooca badeecaddiisa si uu isaga yareeyo culayska cashuurta ku waajibtay, waxa lagu ciqaabayaa:-

(b)- Xadhig dhan 1 (Hal) sanno ilaa 5 (Shan) sanno.

(t)- Ganaax dhan 1,000,000/= ilaa 5,000,000/=. (hal milyan ilaa shan milyan oo Somaliland shillin ah).

Qodobka 10-aad

Is hortaag shaqo qaran

  1. Sarkaalka ama qof kasta oo masuul ka ah hay’ad dowladeed oo diida ama is hortaaga ama rabshad kala horyimaadda baadhayaasha ama masuuliyiinta u xil-saaran ilaalinta iyo baadhista hantida qaranka, waxa lagu xukumayaa;
  • Xadhig 6 (lix) bilood ilaa 5 (shan) sanno
  1. Qof kasta oo hor istaaga, dagaal ama xaalad-abuur kala horyimaadda hay’adaha maamulka ama garsoorka ama hay’adda siyaasadeed ama wakiilladooda ama hay’ad qaran, si uu isku hortaago shaqadooda gabi ahaanba ama qayb ka mid ah waxa la marinayaa ciqaabta ah;
  • Xadhig dhan 1 (hal) sanno ilaa 7 (toddoba) sanno, haddii aannu fal-dambiyeedku yeelan khatar intaas ka culus oo waqti dambe caddaada.

Qodobka 11-aad

Dhaqan-galka

Sharcigani waxa uu dhaqan-gelayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka 12-aad

Laalid

Waxa la laalay sharci kasta oo ka hor imanaya ama aan la socon karayn xeerarkan

DHAMMAAD.

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here