Ciidanka Nabad Geliyada Waddooyinka JSL Oo Digniin U Diray Derrawallada

0
150

Hargaysa (HP): Taliska Ciidanka Booliska JSL, gaar ahaan qaybta nabad geliyada Waddooyinka ayaa digniin u diray darawallada gaaddiidka.

Waxaanay sheegeen in dadweynuhu jecel yihiin sharcidaradda, inay iska shaqaystaan, jidadkana iska maraan, isla markaana aan waxba laga qaban, waxaaney xuseen in sidaasi aanu sharcigu ogolayn.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in hawlgal ay bilaabeen bishan 12-keedii in ay ku soo qabteen 355 qof oo eedaysaneyaal ah, kuwaas oo ay maxkamadda horgeeyeen, waxa ay intaas ku dareen 57 qof ayaa bilaa Liisan ku eedaysan.

Halka 43-na bilaa bilaydh yihiin, ciidanka nabadgelyada waddooyinku waxa ay caddeeyeen in ganaax iyo xadhigba la isugu daray iyada oo loo cuskaday xeerka ciqaabta guud.

Geesta kale waxa ay wadayaasha gaadiidka fareen inay ka taxadiraan isla markaana ay ilaashadaan Bilaydhka gaadhigooda iyo liisankaba.

Dhinaca kale waxa ay sheegeen in 395 ay qabteen kuwaas oo ah gaadiidka dirawaliintu ay ka tageen taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka yaala, kuwaas oo bilaa Liisan iyo bila Bilaydh Nambar isugu jira.

Waxaanu hoosta ka xariiqay in baabuurta bila Lambarka ahi ay yihiin 135, ciidanku gaadiidkan waxa ay ku sheegeen in ay yihiin.

Gaba-gabadii ciidanka nabadgelyada waddooyinku waxa ay sheegeen in shilalka ugu badan ay ka dhacaan jidadka u kala goosha magaalooyinka Berbera iyo Gabiley.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here