Ciidanka Badda Hindiya oo gacanta ku dhigay 35 Burcad-baddeed Soomaali ah

0
178

NEW DELHI–Komaandooska Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya ayaa ku dhawaaqay inay Hawlgal qaatay muddo 40 Saacadood ku soo furteen Markabka Xamuulka ee MV Ruen oo ay Burcad-baddeed Soomaali ah horey u qafaasheen bishii December 14-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii.

Qoraal ay Taliska Ciiddanka Badda ee Hindiya soo dhigeen bartooda X ayey ku sheegeen inay Labada Markab dagaal ee lagu kala magacaabo INS Kolkata iyo INS Subhadra fuliyeen Hawlgalkaasi maanta oo Sabti ah, iyadoo la soo badbaadiyey 17 Badmaax oo la socday Markabka la afduubtay bishii December 14-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii.

Sidoo kale 35 Burcad-baddeed ayaa Isa soo dhiibay oo 24 ka mid uusan soo gaarin wax dhaawacyo, taasi oo micnaheedu tahay in 11 kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, lamana soo werinin wax dhimasho ah ilaa haatan.

Markabka Xamuulka ee MV Ruen oo Calanka Jesiiradda Malta ka dul babanayey waxaa iska leh Shirkad laga leeyahay dalka Bulgaria oo lagu magacaabo The Navigation Maritime Bulgare.

Si kastaba, Taliska Ciiddanka Badda Midowga Europe waxay isbuucan sheegeen inay Burcad-baddeeda u adeegsadeen Markabka MV Ruen inay ku soo afduubtaan Markabka Xamuulka Bangladesh ee MV Abdullah, kaasi oo Talaadadii la soo dhaafay laga qafaashay Badweynta Hindiya ee Xeebaha Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here