Ciidammada Qalabka Sida Ee Somaliland Mushaharka Loo Kordhinayo

0
3014

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay inay mushaharka u kordhin doonto Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland lacag dhan 20% (boqolkiiba labaatan).

Waxaa sidaasi sheegay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbixin ka jeediyay shirkii golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiistii maanta.

Ugu horayn, wasiir Sacad Cali Shire, ayaa waxaa uu golaha wasiirrada la wadaagay warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022.

Wasiirka oo ku guda jira warbixintiisa miisaaniyad sannadeedka 2022, ayaa waxaa uu golaha wasiirrada u sheegay in Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland musharka loo kordhin doono 2022-ka.

Waxaanu uu wasiirku uu sheegay in mushahar kordhinta Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland ay ku dareen oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka.

Mushaharka ciidamada Somaliland, ayaa markii ugu danbaysay ee la kordhiyo waxaa ay ahayd wakhtigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, markaasi oo mushaaraadka ciidamada la kordhiyay 100%.

Waxaana baryahaaba loo dhagtaagayay in xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi mar kale kordhindoonto mushaaraadka ciidanka.

LEAVE A REPLY