“Waa in aad cilmi baadhis ku soo samaysaan colaad Beeleedyada ka dhaca gobolka Sool”…

0
689

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiiyay dufcadii afar iyo tobnaad ee arday ka qalin jebiyay jaamacadda Nugaal  ee magaaladda Laascaanood.

Ardaydaasi oo dhamaystay heerka koowaad waxbarashadda ayaa loo qabtay munaasibad aad u balaadhan oo loogu dabaal degayay guusha ay waxbarashadda ka gaadheen ee qalin jebintoodda.

Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay maamulka gobolka Sool ka degmadda Laascaanood, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Nugaal, madax dhaqameed, waalidiinta ardayda qalin jebinaysay iyo marti sharaf kale.

Badhasaabka gobolka Sool  oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa hanbalyo u diray dhamaanba ardayda maanta ka qalin jebiyay jaamacadda Nugaal, maamulka jaamacadaasi, iyo macalimiintii wax soo barayba.

Waxaanu yidhi “Waxaa sharaf ii ah in aan maanta ka qayb-galo munaasibadda iyo maamuuska dufcaddii 14-aad ee Arday ah oo ka qalin jebisa Jaamacadda Nugaal University ee magaaladda Laascaanood.

Waxaan hanbalyeynnayaa maamulka, macalimiinta, Ardayda iyo Waalidiinta u dhabar adaygay ardayda, kuna wada dedaalay guushan mumiimadda weyn leh”.

Geesta kale C/qani Jiidhe, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay lacag dhan Nus Milyan dollar ku deeqday dhismaha iyo balaadhinta jaamacadaasi.

Taasoo uu ku tilmaamay in ay qayb ka tahay mashaariicda faraha badan ee horumarineed ee ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ka hirgelisay gobolka Sool.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dhismaha iyo balaadhinta xarunta Jaamacddan Nugaal, waxaa Lacag Nus Milyan dollar ah ku bixisay  xukuumaddan uu hoggaanka u hayo madaxwayne  Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiga Kulmiye mashaariicda waxtarka leh ee gobolka uu u qabtay way badan yihiin,  madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu amray in la sii xoojiyo  muddada uu hoggaanka u hayo  Jamhuuriyadda Somaliland”.

Dhinaca kale badhasaabka Sool  ayaa ku booriyay ardayda ka qalin jebiyay jaamacadda Nugaal in ay cilmi baadhis ku sameeyaan waxa sababa inay soo noq noqdaan Colaadaha Beeleed ee ka dhaca gobolka Sool.

Maadaama oo jaamacadda Nugaal ay tahay xarun waxbarasho, cilmi-baadhis, iyo aqoon ururin heer sare leh, taasoo bixisa Shahaadooyin darajo sare ah.

“Jaamacadu Nugaal, waa xarun waxbarasho, cilmi-baadhis, aqoon ururin heer sare leh, taasoo bixisa Shahaadooyin darajo sare leh.

Ardaydiinan  Awood ma u leedihiin ardaydiinan  dhamaysay Jaamacadda Nugaal in aad Cilmi baadhis ku soo samaysaan waxa sababa inay soo noq noqdaan Colaadaha Beeleed ee ka dhaca gobolka Sool” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY