Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa oo Hakad La Geliyay

0
1545

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Waxaa muddo kooban la hakiyay dhamaan isku socodkii hawada ee garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport, sababo la xidhiidha Cimilada cakiran ee magaalada Addis Ababa, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Duulimaadyo dhowr ah oo imanayay garoonka diyaaradaha ee Bole, ayaa lagu qasbay inay u weecdaan garoomada diyaaradaha ee u dhow magaalada.

Diyaaradaha ku jiray duulimaadyada caalamiga ah ee ku degi lahaa, ayaa loo weeciyey garoomada caasimadaha dalalka deriska la ah sida Djibouti iyo Khartoum.

Sababta, ayaa ah roobab mahiigaan ah oo ka da’ay habeennimadii Axaddii iyo ceeryaamo badan oo ku giblan magaalada, taasina ay keentay in dhammaan duulimaadyadii ku soo wajahnaa oo dhan la weeciyo oo madaarka Bole-na la xidho.

“Taxaddar xilkasnimo ah awgii, waxa duulimaadyadii ku degi lahaa Addis Ababa loo weecinayaa madaarrada ugu dhaw, waxaanay u soo kici doonaan marka cilmiladu hagaagto,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay soo saartay Ethiopian Airlines oo dadka macaamiisheeda ah ka raalli-gelisay wixii dhibaato ah ee ka soo gaadha arintaas.

“Warbixin joogto ah ayaanu idinka siin doonaa kolba sida xaaladdu noqoto,” ayaa intaa lasii raaciyay.

Arintan, ayay dadka qaar markii la shaaciyey ba u qaateen in wax kale dhaceen maadaama oo woqooyiga dalkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya dowladda iyo ciidamada Tigray.

Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in arrinta keliya ee sababtay in diyaaraduhu ka weecdaan Addis Ababa ay tahay cimilada xumaatay awgeed oo aan waxba laga arki karin masaafo dheer ceeryaanta iyo roobab xoog ah oo da’aya awgood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here